|
|
|
|
Xildhibaan Axmed-Yaasiin Ka
Hadlay Xaaladaha Shirkadaha Laydhka ,Biyaha Iyo Jaamacadaha
Boorama Oo Ku Tilmaamay Kuwa U Baahan In Shuruucdooda Dib Loo
Eego |
|
|
Borama DSN ‘Maaha In Shaba Halkaa Uun Joogto Ee
Waa In Lagusoo Daraa Cid Samayn Karta Maalgelin” Xil Axmed
Yaasiin
Borama-(Lug)-Xil.Axmed yaasiin Sh.Cali ,kana mid ah
xildhbeenada lagasoo doorto G/Awdal ayaa ka hadlay xaaladahaha
maamul ee ay ku shaqeeyaan shirkadaha Biyaha iyo Laydhtiriigga
oo uu ku tilmaamay inay u baahan yihiin dib u habayn
dadweynaha u horseedda horumar kana saarta cidhiidhiga ay ku
hayaan .
ahmed-yasin.JPG
Shir jaraaid oo u saaka ku qabtay Boorama ayaa xildhibeenku
kaga hadlay welwelka uu ka qabo maamulka Biyaha iyo gaar
shirkadda SHABA taasoo uu ku tilmaamay ina la gaadhay
wakhtigii albaabada loo furi lahaa saamiley kale oo ka qayb
qaadata horumarka maamulka biyaha ceelal biyaha lagasoo
saarana maalgelin ku samayn karta
Dhinaca kale xildhibeenku waxa uu ka hadlay baayacmushtarka
kootada ku haysta wershedehaha korontada ,qiime qaaliyana
macaamiisha ka qaada wakhtigan noloshooduba cuidhiidhiga ku
jirto sidaa darteedna uu dawladda ku tirtirsiyey inay keensato
shirkado laydhtiriig oo qiime hoose dadka kaga iibiya laydhka
amamkuwa haatanm haystaayi hoos u dhigaan sicirka
laydhtiriigga ,oo uu tilmaamay inuu yahay kan ugu qaalisan
geeska Afrika .
Xildhibeenka oo guud ahaan arrimahaasi ka warramayaana waxa uu
yidhi “Anigoo ka mid ah guddiga arrimaha bulshada ee
baarlamaanka ,waxan doonayaa inaan ka hadlo dhowr arrimood oo
intaan Boorama joogay dareenkayga kicisay ,saamayn weyn ku leh
nolosha dadweynaheenna .biyuhu waa nolosha koowaad ,waxayna ka
mid yihiin waxyaalaha horumarka laga sameeyey waxan ku
faraxsanahay sida shirkaddu shalay uga hadashay xaaladda
khuseysa biyaha balse waxan doonayaa inaan baaq kale ku
kordhiyo horumarinteeda.Dawladda way ku fiicnayd inay samayso
waxa la yidhaa privatazation,waana lagu guuleystay .Xaggay
Biyo la’aantu ka timid .Waxan soo jeedinayaa in shuruucdii
biyaha lmaamulkooda loo sameeyey dib loogu noqdo,waayo innama
anfacayaan qaabka maamul ee haatan shirkaddu ku
shaqyaso,awooddeeda oo kooban ,iyo saamileydeeda oo an awood
badan u lahayn inay sahan biyood galaan .
ahmed-yasin-1.JPG
Waa tan labaade dunidu way isbeddelysaa ,gobal warming ayaa
jira Booramoo loosoo xaagaa bixi jiray ayaa maanta alag xagaa
baxayaa ,noloshoo isbeddelysa awgeedna nalama noolan karo
laydh la’aan ,nasiibdarro laydhkeennu waa qaali .maxaa la
yeeli karaa ,waa tan koowaade waa in dawladdu qayb libaax ka
qaadataa inay xoog koronto kusoo biirsio shirkadaha haatan oo
ay keento mishiinno waaweyn oo ka jaban laydhka haatan
jira.Boorama laydhkeeda waxa gacanta ku haya intii lacagta
haysatay amam tijaarta ah ,waa ayaandarro inay dadkeenaa
xoolahah haystaayi dadkii masaakiinta ahayd ku gumaystaan
laydh qaali oo gaadhaya ilaa hal doolar iyo badh halkii
kiiloowaat .waa inay dhimaan qiimaha
Waa tan saddexaade Jaamacad ayaan leenahay ,jaamacadeehhu waa
qaali lacagta lagu dhigto.Tusaale ahaan Jaamacadaheennu waa
public maaha private ,miisaaniyadbaa loogu daraa budgetka ,cashuurbaa
loo qaadaa ,waa inay sicirka dhimaan jaamacadaha Cammuud ,Hargeysa,iyo
kulliyadda kalluumaysiga ee Berbera ,haddii ad eegto
standadrda nolosha dadkeenna waxa waajib ku ah inay qiimaha ka
dhimaan .tusaale ahaan qqoyska shan carrur ah leh ,ee shantuba
jaamacada doonayaan,ma u dhigan karaan mise waa maya,waa in
xisaab celin lagag helaa maamulka Jaamacadaha,cashuuraha
dadweynaha qiimo dhimis ugu beddelaan
DSN Borama
|
|
|
|
|
| |
|
|
|