|
|
|
|
Midowga Afrika oo waqtiga u
kordhiyey Joogitaanka ciidamada AMISOM Somalia |
|
|
Midowga Afrika ayaa waqti kale oo dheeraad ah waxay ugu
dareen hawlgalka ciidamada AMISOM ee xiligan ku sugan
magaalada Muqdisho ee caasimada ah, taasi oo lagu kordhiyey
lix bilood oo hor leh.
Golaha Amaanka iyo Nabada Afrika ayaa waxay shaaca ka qaadeen
in mudo lix bilood oo ka bilaamanaysa bisha July ay ugu dareen
ciidaamda AIMSOM halka ay ka wadaan Soomaaliya ee nabad
ilaalinta.
Bayaankan ka soo baxay golaha amaanka iyo nabada Afrika ayaa
waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in Qaramada Midoobay ay kala
wareegto ciidamada AMISOM hawlgalka nabad ilaalinta.
Warkan ka soo baxay golaha amaanka iyo nabada Afrika ayaa
waxaa lagu xusey in goluhu uu si weyn u soo dhaweynayo
heshiiskii dhawaan ay ku gaareen magaalada Jabuuti dawlada
Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xoreynta
Soomaaliya, iyadoo heshiiskaasi qaybihiisa ugu muhiimsan ay ka
mid tahay in xabad joojin ay sameeyaan dhinacyada ku lugta
colaada Soomaaliya, walow xabad joojintaasi aanay u muuqan mid
hirgashey maadaama wali ay sii socdaan dagaalo ka soconaya
meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.
allsbc
|
|
|
|
|
| |
|
|
|