|
|
|
|
Prof. Samatar iyo Dr.
Maxamed A Cumar oo si Kulul uga Dooday Qadiyadda Somaliland |
|
|
London (Bnn)- Dood siyaasadeed oo uu abaabulay
raadiyow ku yaal magaalada The Hague ee dalka Holland ayay
Prof. Ahmed I Samatar iyo Dr. Mohamed A Omar oo ah laba
aqoonyahan oo dhaqan ahaan ka soo wada jeeda Somaliland,
laakiinse fikirkooda siyaasadeed ee ku jeeda qaddiyadda
Somaliland uu aad u kale duwan yahay ay si aan turxaan lahayn
ugu lafaguray afkaartooda ku saabsan arrimaha Somaliland.
Arrimaha lagu falanqeeyay doodda waxaa ka mid ahaa: Maxaa
keenay inay Somaliland la noqoto xoriyadeedii? Muddo 17
sanadood ka dib maxay Somaliland wali u baadi goobaysaa
aqoonsi siyadeed oo ay caalamka ka hesho? Ma ku gulaysatay
Somaliland la soo noqoshada xoriyada mise way ku khasaartay?
Dood xalaalaa ma ka dhacday Somaliland ? Argatida siyaasadeed
ee hogaamiyayaasha Somaliland kuwii hore iyo kuwa maanta waa
sidee? Somaliland iyo Somaliya xidhiidh noocee ah ayay yeelan
karaan mustaqbalka?
Warbixintani waxay si kooban u eegaysaa qodobadii ugu
waawaynaa ee ay ka doodeen labada aqoonyahayan, laakiin
dooddan oo la soo gaabiyay waxaad ka dhagaysan kartaa
www.dalmar.org.
Dr. Mohaamed A Omar ayaa ugu horreyn sharraxaad ka bixiyayey
arrimaha sababay inay Somaliland la noqoto madaxbannaanideeda,
waxa uu caddeeyay in ujeeddada uga weyn ee marka horeba ka
dambaysay midowgii labada dal (Somaliland iyo Somaliya) ay
ahayd in la helo qaran wayn oo Somaliyeed oo kulmiya 5tii
qaybood ee Soomaalidu u kale qaybsanayd. “Isku darka laban
geesood waxay ahayd dariiqii loo marayay isku keenidda 5 ta
qaybood oo ahayd yoolka la hiigsanayay ee dadka isku hayay.
Nasiib-darrose waa la waayay ulajeedadii arrinkaa laga lahaa.
Jabuuti waxay goosatay inay dal gaar ah noqoto, NFD waxay
raacday Kiiniya, Somali galbeedna xoog iyo xeeladba waynu ku
heli weynay. Dantii aasaasiga ahayd ee isku keen keentay
siyaaasiyan halkaasay ku fashilantay, wixii marka ka danbeeyay
waxaa isku keen hayay waxay ahayd is cabudhin. Sidii xukunka
loo qaybsaday markii la isku biiray, iyo sidii awoodda loo
isticmalay intii lawada joogay way kala sarraysiisay labadii
qaybood ee isu yimi. Arrintan oo markii danbe isuba bedeshay
in dawladdii lagu midoobay ay si qeexan u isir tirto ummadda
woqooyiga.
Professor Ahmed I Samatar wuu ku raacay Dr. Mohamed doodan
fikriyan, wuxuuna qiray in arrimhani ay niyad jabka ku keentay
shacbigii Soomaliyeed ee doonayey inay dhisaan qawmiyad
Soomaliyeed oo wayn. Wuxuuse sheegay in siyaasasiyiintii
Somaliland ee 1960kii timid Somaliya ay iyagu khalad sameeyeen
markii ay ogaalaadeen in awooda siyaasadeed oo dhan lagala
wareego. Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan dad fara badan oo u
dhashay Soomaliya oo iyaguna naftoodii ku waayay dagaalladii
siyaasadeed ee dhawaan Somaliya ka dhacay. Laakiin Dr. Mohamed
wuxuu tilmaamay in labadu ay kale duwan yihiin oo midna ahayd
dawlad si toos ah u isir tiraysa dad gaar ah oo ka mid ah
shicibkeeda, midna ahayd dad ku nafwaayay dagaalo sokeeye oo
dhashay xilli aanay jirin dawalad dhexe oo mas’uul ka ah dalka.
Mar ay ka doodayeen arrinta aqoonsiga ee Soomaliland ku
dheeratay iyo waxa laga yeelayo, waxuu Prof Samatar tilmaamay
in adduunku aanu imika u soo jeedin in waddamadu kale go’aan,
wadamada Afrikana aanay arrintaa jeclayn, wax dan ah oo ugu
jira degmada woqooyigu inay gaar u baxaana aanay jirin. Dr.
Maxamed oo ka hadlayay arrintani wuxuu yidhi; “Aqoonsigu inuu
qaadanayo muddo dheer waa arrin la filayay, waxayna ku jirtay
arrimihii laga hadlay shirkii Burco 1991, iminkase waxaaba
muuqda xiise soo kordhaya oo dunida u hayso soo dhawaynta
Soomaliland, su’aashuse waxay weeye shacbiga Somaliland 17 kii
sanadood ee ina soo dhaafay may ku khasaareen mise way ku
macaasheen. Jawaabtu waxa weeye Somaliland waxay samaysay
hurumar siyaasadeed, mid bulsho, nabadgalyo iyo isdhexgalay
bulsho oo badqaba,” taasaana iminka mudnaan koowaad leh.”
Waxay doodu sii kululaaltay markay ka doodayeen dariiqa loo
maray dawladnimada Soomaliland. Wuxuu Dr.Maxamed Cabdillahi
Cumar sheegay in Soomaliland ay ku guulaysatay inay is
waafajiso afkaarihii hagayay halgankii xorraynta Somaliland ee
SNM hormoodka ka ahayd iyo baahida dalku u qabay in la dhiso
qaran ku salaysan dan iyo dareen la wada qabo ah
suurtogalinaya taariikh oo la wadaago. Talaabadani waxay
keentay in Somaliland heshiisiinteeda iyo is dhexgalkeeda
bulsho aanu noqon mid loo maro dhabo colaadeed, mid
maxkamadeed iyo mid ciqaabeed toona, sida lagu arko
bulshooyinka ay aafeeyeen colaadaha sokeeye. Xorriyad la soo
noqodkana wuxuu shacbiga Soomaliland ku muujiyay afti xor oo
dalka ka dhacday bulshada caalamkuna goob joog ka ahayd. Prof
Axmed Ismaaciil Samater oo arrintan ka jawabay wuxuu yidhi;
‘‘Horta ummadda woqooyigu waxay sameeyeen xilkasnimo iyo wax-wadaqabsi
aan cidna iska qarin karin- nabadgalyo, maamul iyo
doorashooyin. Laakiin dad fara badan oo ka soo jeeda
degmooyinka bariga ayaan ka qaybgalin dariiqan Somaliland ku
heshiisay oo aan qabaa in la khasbay. Waxaa kaloo jira dad
kale oo ka tirsan degmada woqooyiga oo iyana qaba fikrado ka
soo horjeeda gooni u istaaga Somaliland, waxaanan soo
jeedinayaa in la ballaadhiyo wadahadalka oo laga qabygaliyo
dadkaasi oo aan laga xidhin talada.
Wuxuu Prof Axmed dhaliilay hoggaamiyaasha Soomaliland oo ku
sheegay inay ahaayen qaar aan aragti dheer lahayn hadda iyo
1960 kiiba. Imikana dadkay kala goynayaan, barigii horena
xukunkay qaybtoodii ka qaadan kari wayeen koonfurta.
Dr. Maxamed oo arrinta ka jawaabayey ayaa sheegay in
siyaasiyiinta Somaliland ee 60 kii ay rabitaankooda
siyaasadeed u sadqeeyeen helitaanka qawmiyadda Somaliyeed oo
xor ah, halka kuwa koonfurta ay ka door-bidayeen awood
siyaasadeed oo ay gacanta ku dhigaan, wuxuuna xusay in
mawqifka hoggaamiyayaasha Soomaliland ee barigaa iyo ka
iminkuba uu ka turjumayo rabitaanka iyo dareenka shacabka reer
Soomaliland.
Mar ay ka hadlayeen xidhiidhka Somaliya iyo Somaliland, wuxuu
Dr. Maxamed carrabka ku dhuftay in ummadda Soomaliyeed ee ku
kala nool Soomaliya iyo Soomaliland ay yihiin dad wax badan
wadaaga- dhaqan, diin, af, xidhiidh fara badanina uu dhexmari
karo mustaqbalka, hadday noqota mid ganacsi ama iskaashi
nabadgalyaba ha noqotee. Laakiin arrimhaasi waxa ka wada
tashan kara hoggaamiyaasha labada dal iyagoo xor ah oo aan
cidna cid khasbayn xilliga ay ku habboonaato. Professor
Axmedna wuu ku raacay Dr. Maxamed aragtidan, wuxuuna codsaday
in doodani ayna halkan ku xidhmin ee ay mar kale isugu soo
noqdaan.
Diyaariye: Abdishakur Ainan
|
|
|
|
|
| |
|
|
|