|
Wasaaradda Waxbarashada oo
13 Dugsi Sare kala Wareegtay Hay’adda AET |
|
|
Hargeysa (Bnn)- Wasaaradda Tacliinta Somaliland, ayaa
13 dugsi oo loogu talogalay waxbarashada sare kala wareegtay
hay’adaha samafalka caalamiga ah ee AET iyo DRC, kuwaas oo
badhkood yihiin dhismayaal cusub, halka kuwo kalena lagu
sameeyey dib-u-habayn isugu jirta dayactir dayrarka, daaqadaha
iyo laybareeriyo loo dhisay.
Dugsiyadan oo ku kala yaal dhammaan lixda gobol ee dalka, waxa
maalgelisay hay’adda dhinaca waxbarashada ee AET (African
Education Trust), waxaana hirgelisay dhismahooda hay’adda kale
ee DRC. Hawsha dhisida iyo dib u haybaynta dugsiyadani waxay
socotay muddo hal sanno ah.
Xaflad ballaadhan oo shalay ka dhacday dhisme dugsi sare ah oo
ka kooban afar fasal iyo xafiisyadiisii, kaas oo laga
hirgeliyey xaafadda Maxamed Mooge, ayaa lagula kala wareegay
dugsiyada hay’adaha AET iyo DRC ka hirgeliyeen gobollada dalka
oo dhan, waxana ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda
Waxbarashada, xildhibaanno, madaxda hay’adaha AET iyo DRC,
guddiga xaafadda iyo martisharaf kale.
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Md. Ismaaciil Maxamed Madar oo
xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay in hay’adda AET waxqabad
ballaadhan ka qabato Somaliland, taas oo ka mid ah hay’adaha
Wasaaradda ka caawiya dhinaca waxbarashada, isla markaana
aanay ku koobnayn dhismayaasha dugsiyada oo keliya.
Md. Ismaaciil Maxamed Madar, waxa uu ugu ballanqaaday
dadweynaha xaafadda Maxamed Mooge in wixii ka qabyo ah dugsiga
loo dhisay la dhammaystiri doono, balse ku xidhnaan doonto
sida ay u ilaashadaan dugsigaas.
“Dugsigani ma dhammaystirna oo wax baa ka maqan sida
laybareerigii wax lagu akhrisanayey iyo shaybaadhkiiba,
kuwaana waa la idiin dhisayaa, laakiin waxaannu eegaynaa sida
aad uga faa’iidaysataan ee aad u dayactirtaan ama u
ilaashataan,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Madaxa injineerada hay’adda DRC Mr. Mark oo isna halkaa ka
hadlay, ayaa sheegay in dhismayaasha dugsiyadan oo ay soo
wadeen muddo sannad ah guul ugu dhammaadeen, isla markaana
iminka ay ku talojiraan qaybta kale oo ay bilaabi doonaan
sannadka soo socda.
“Iminkana waxaannu bilaabi doonaa qaybtii labaad marka kani
naga dhammaado, waxaannuna rajaynaynaa in aannu hore u socono
si aannu uga gudubno mashruucyada kale ee soo socda, si aannu
u awoodno in aannu dugsiyo fara badan ka dhisno Somaliland,”
ayuu yidhi Mr. Mark.
Mr. Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Ambassy) oo ka mid ah
saraakiisha hay’adda AET, isla markaana magaceeda ku hadlayey,
ayaa sheegay in lacagta dugsiyadaas ku baxday oo ay
hay’addoodu bixisay ay tahay mid ay ka soo qaadeen Midowga
Yurub, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maanta
(shalay) waxaannu halkan kula kala wareegaynaa dugsiyo sare oo
la dhisay, kuwaas oo muddo hadda sannad ah laga soo
shaqaynayey. Lacagta dugsiyadaasi ku baxday waxa bixisay AET
oo lacagtaas ka soo qaaday Midowga Yurub, laakiin hawsha
dhismaha waxaannu u wakiilanay hay’adda DRC. Sannadkan
markaanu hawshaa dhammaystirno, sannadka soo socdana hawl
dhisme ah oo aan intaa ka yarayn oo la qaban doono ayaa jiri
doonta.”
Mr. Xasan Ambassy waxa kale oo uu xusay in aanay hay’adda AET
waxqabadkeedku ku koobnayn dhismayaasha oo keliya, balse ay ka
shaqayso dhammaan adeegyada waxbarasho si loo tayeeyo aqoonta
dalka.
“Hawsha AET ka qabato waxbarashada dugsiyada sare kuma eeka
dhismayaasha oo keliya ee waxa jira tababarada macalimiinta oo
aannu bixino, buugaag ardaydu wax kabarato oo aannu bixino,”
ayuu yidhi Mr. Ambesi.
Xildhibaan Yuusuf Maxamuud Guuleed oo wakiil ka ahaa Maayarka
Caasimadda oo isna xafladaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa
dugsiga laga dhisay xaafadda Maxamed Mooge ku tilmaamay mid
wax weyn ka tari doona waxbarashada carruurta xaafadda.
“Afarta fasal ee loo dhisay dadweynaha reer Maxamed Mooge
waxay wax weyn ka tari doonaan waxbarashada xaafaddan, waayo
ardayda dugsiga sare ee ugu dhawaa wuxuu ahaa Maxamuud Axmed
Cali, halkii ay kaa ka tagi lahaayeen maanta gurigoodii ayaa
looga furay, waana wax Ilaahay lagu mahadiyo,” ayuu yidhi Md.
Yuusuf Maxamuud Guuleed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gudiga xaafadaas Maxamuud Cabdi
Kaliil oo isna halka ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay
hay’addaha AET iyo DRC oo uu sheegay inay carruurtoodii ay ka
soo furteen masaafadii dheerayd ee ay u socon jireen dugsiyada
kale oo dhib weyn ku hayey.
Waxa kale oo iyaguna xafladaas hadalo ka jeediyey Guddoomiyaha
waxbarashada ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cali Cabdi Jiciir iyo
Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada ee dugsiyada sare Ibraahim
Maxamed Siciid. Waxaanay ka xogwarameen qiimaha waxbarashada
dalka ay ku soo kordhinayaan dugsiyadani, iyaga oo tilmaamay
baahida loo qabo in hawlaha waxbarashada halkaas laga sii wado.
Jamhuriya source
|
|
|
|
|
| |
|