|
Laanta Xisbiga Kulmiye
ee Norwey oo Guddi Cusub dooratay. |
|
|
Oslo-Norway Dalkasomaliland.com
Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Laanta xisbiga
Kulmiye ee Norway 29-kii bishan june ayaa lagu doortay guddi
cucub, laguna falanqeeyey arrimo badan oo muhiim ah. Arrimaha
lagu gorfeeyey shirka ayaa badi ku saabsana danaha iyo
ujeedooyinka Laanta Kulmiye ee Norway.
Ugu horrayn wuxuu shirweynuhu ansixiyey xeer hoosaadka Laanta,
xeerkaas oo ay ku qeexantahay hab maamulka iyo himilada laantu
tiigsanayso. Xeer hoosaadku waxa kaloo qeexayaa sida loo
dooranaayo hogaanka laanta iyo inta ay xilka haynayaan. Waxa
shirka goob joog ka haa xubno culculus oo ka tirsan Xisbi
qaranka Kulmiye, oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Yusuf Maxmed
Cali (Tukke), Mj Axmed muxumad Madar, Axmed Xaaji Nur, Axmed
Cawad iyo xubno kale oo muhiim ah.
Shirweynuhu wuxuu isla qaatay, tusmana u dhigay sidii hawlaha
laanta loo dardargelin lahaa, hawlahaas oo ku wajahan sidii
Kulmiye Norway ugu diyaargaroobi laha Doorashooyinka Qaran ee
innagu soo foolle.
Guddida la doortay waxay ka kooban tahay:
Sulub Ismail Warsame – Guddoomiye
Ali Mohamoud jama – Xoghaye
Hassan Mohamed Ali – Khasnaji (lacaghaye)
Hussain Hassan Gulaid – xubin (La Taliye)
Maryan Mohamoud Ali - xubin
|
|
|
|
|
| |
|