|
|
|
|
Mid
ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga oo sheegay in
ay weerarro ku qaadi doonaan Xerada ay degan yihiin Ciidamada
Itoobiya ee Jante-kuundisho. |
|
|
Muqadisho (Dsn) Mid ka mid ah mas'uuliyiinta Maxkamadaha
Islaamiga oo xiriir la soo sameeyay Warbaahinta ka howl-gasha
gudaha Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay uga digayaan
shacabka ku dhaqan Gobalka Hiiraan waxyeello ka soo gaarta
weerarro sida uu caddeeyay ay ku qaadi doonaan Ciidamada
Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xerada Jante-kuundisho ee
duleedka Magaalada Beledweyne.
Mas’uulkan oo lagu magacaabo Shiikh C/llaahi Aadan Farey ayaa
intaas ku daray in dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay qeybo
ka mid ah Goballada Gal-gaduud iyo Hiiraan sida uu hadalka u
dhigay loogu geystay Ciidamada Itoobiya khasaare lixaad leh,
“Magaalada Guriceel ee Gobalka Gal-gaduud xoog ayaa looga soo
saaray Ciidamada Itoobiya, sidoo kale qorshuhu waxaa uu yahay
in xoog looga saaro Magaalada Beledweyne” ayuu yiri Shiikh
Faray oo dhinaca kale ka codsaday shacabka in ay ka fogadaan
goobaha ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale Salaaddii Jimcaha ee Maanta ayaa mid ka mid ah
Masjidyada Magaalada waxaa laga iclaamiyay Jihaad sida hadalka
loo dhigay lala galo Cadawga soo duulay, gaar ahaan in lagu
weeraro fariisinka hadda ay degan yihiin ee duleedka Magaalada.
Markii ay soo baxeen wararka ku baaqaya dagaal lala galo
Ciidamada Itoobiya waxaa ka bilaawday Magaalada Beledweyne
walaac iyo qoysaska qaar oo markiiba bilaabay in ay
Alaabahooda sii xirxirtaan kuwaasi oo isku diyaarinaya in ay
ka baxaan Magaalada, iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda lagu
dagaallamo.
Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa
xalay dab qabadsiiyay Booyad biyaha loogu qaadi jiray
Ciidamada Itoobiya, waxaana dhinaca kale ay wargaliyeen
Ceelasha magaalada in ay joojiyaan biyaha ay ka iibinayaa
dadka la shaqeeya Ciidamada Itoobiya haddii kale lagala
wareegi doono Matoorrada u saaran Ceelasha.
Saacadihii aynu soo dhaafnay Ciidamada Itoobiyaanku ma aysan
helin wax biyo ah taasoo laga yaabo in ay keento in Ciidamadu
gudaha u soo galaan Magaalada si markaa ay biyo u helaan,
inkastoo hadda Ceelasha intooda badan ay joojiyeen adeeggii ay
u hayeen dadweynaha cabsi ay ka qabaan hanjabaadyada ugu
imaanaya labada dhinaca.
Dhinaca kale qarax ka dhashay Miino lagu aasay meel dhinac ka
ah wadada ayaa waxaa ku geeriyooday Gabar sida la sheegay ku
mashuuqsaneyd in ay eegto goobta Miinada lagu aasay halka mid
kalena uu ka soo gaaray dhaawac aad u culus.
GHol Source |
|
|
|
|
| |
|
|
|