|
|
|
|
Burcad badeed heysata markab
laga leeyahay dalka Jarmal oo sheegay in ay leyn doonaan
Shaqaalaha hadii aan la sinin Madax furash |
|
|
Muqadisho Dsn Kooxaha burcad badeeda
Soomaalida ah ee heysta markab laga leeyahay dalka German-ka
ayaa ku hanjabay inay dili doonaan dadka ay heystaan hadii
aanan la siinin lacag mudax furasho ah.
Sida uu shaaciyay Tv-ga qaranka dalka Jarmalka kooxaha burcad
badeeda ah ee afduubtay 28 kii bishii may markabka Lehman
Timber ayaa ku han jabay in aay leyn doonaan dadka ay heystaan
hadii aanan si dag dag ah lagu bixin lacag madaxfurasho ah.
Markabkan afduuban ayaa waxaa saaran ilaa 15 ruux oo kala ah
Captain-ka markabka oo u dhashay dalka ruushka 4 ruux oo u
dhalatay dalka Ukraine 1 qof oo u dhashay dalka Estonia iyo 9
ka kale oo u dhashay dalka Myanmar.
Xaaska mid ka mid ah raga saaran markabka afduuban oo ka
hadlaysay Tv-ga dalka German-ka ayaa sheegtay in kooxaha
burcad badeeda ay rasaas hawada uridayaan iyadoo sheegtay in
laga yaabo in ay toogtaan dadka ay haystaan.
Waxa ay dooneynaan in ay dilaan seygeyga, dowlada waa in ay ku
dadaashaa in isaga oo nabad qaba uu dalka German-ka uu dib ugu
soo laabto “ayey tiri haweeneydaasi lagu magacaabo Svetlana
Rudnichenko oo cod dheer oo murugo ay ka muuqato ku hadleysay.
Waxaa sidoo kale lagu diirinayaa xaalada caafimaad ee dadkaan
laheystayaasha ah ee markabka saaran kuwaasi oo burcad badeedu
ay ugu hanjabeen in ay toogan doonaan hadii lacagta madax
furashada ah aanan si dag dag ah loo siinin.
Ilaa haatan lama oga sida uu noqonayo nasiibka dadka laheysto
oo cabsi laga muujinayo amaankooda kadib markii burcad badeedu
ay ku hanjabeen inay dili doonaan.
Badaha dalka Somaliya ayaa noqday kuwo ugu qatarsan caalamka
kadib markii kooxo burcad badeed ah oo aad uqala beysan ay
bilaabeen in ay gaaf wareegaan xeebaha Somaliya iyagoo
afduubtay inkabadan 25 markab oo marayay xeebaha Somalia
iyadoo qaar kamid ah maraakiibtaasi ay wali gacanta ugu jiraan
kooxahaasi burcad badeeda ah.
|
|
|
|
|
| |
|
|
|