|
|
|
|
Wefti uu hogaaminayo
wasiirka maliyada oo u dhoofay Ethiopia. |
|
|
Hargeysa DSN -Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md.Cawil
Cali Ducaale iyo Maareeyaha Marsadda Caalamiga ah Berbera Eng
Cali Cumar Maxamed [Xoor-xoor] ayaa maanta booqasho afar
maalmood ah ku tegay wadanka Ethiopia.
Safarka weftigan masuuliyiinta Somaliland ayaa la sheegay in
uu la xidhiidho sidii loo dardargelin lahaa heshiis ay hore u
wadda gaadheen labadda dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland.
Intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee caasimadda
hargeysa ayey warbaahintu wax ka waydiisay u jeedada
safarkoodu la xidhiidho wasiirka maaliyada Am. Cawil “waxaanu
dawladda Ethiopia ugu tegaynaa aniga iyo maareeyaaha Dekeda
Berberi in aanu kala soo hadalno, sidii aanu u dardar gelin
lahayn heshiiskii Berbera Cooridoor ee aynu wadda galnay iyo
in aanu ka codsano wadadii laamiga ahayd ee ay ka dhisayeen
Jigjiga ilaa berbera si aynu u lehno wado tayo leh oo adag oo
aan burburin sidaa daraadeed inay inoogu daraan Kala-baydh
ilaa Berbera oo aan heshiiska ku jirin markii hore".
DSN Hargeysa |
|
|
|
|
| |
|
|
|