Hareegysa.06.July.2008.DSL-Ciidamada Boliiska Jamuuriyada la
magac baxday Somaliland ayaa ku amartay gudoomiyah Ganacsatada
xoolaha dhoofisa ee Somalilnad in uusan ka bixi karin
magaalada Hargaysa ee jamuuriyadasi iyagoo ku eedeeyay
Ciidamada Boliisku gudoomiyahaasi in warbaahinta uu ka sheegay
falal lidi ku ah Amaanka Somaliland.
Gudoomiyaha ganacsatada xoolaha dhoofisa ee Somaliland Xaaji
C/laahi Max'ed C/raxmaan ayaa looga yeeray xurunta taliska
magaalada Hargaysa iyadoo su'aalo laydiiyay kadibna lasii
daayay laguna amray in uusan ka bixi karin magaald Hargaysa..
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in lagu soo wargaliyay in uu
eedeysanyahay islamarkaana laga doonayo taliska ciidanka
Boliiska,waxaana uu sheegay in markii uu gaaray halkii looga
yeeray loo sheegay in uu si qaldan ugu hadlay Saxaafada
islamarkaana ay wadaan howlo lidi ku ah Amaanka Somaliland.
Waxa uu sheegay gudoomiyaha in uu isaga aaminsaneeyn in uu ku
hadlay wax dhib ku ah amaanka Somaliland islamarkaana ayasn
ayahyn dambi in laga hadlo Saxaafada islamarkaana la sheego
fikirkaaka ama wax laga codsado dowlada waxaa uuna beeniyay in
uu wax dhibaato ah uu ogayn in uu sameeyay.
Xaaji C/laahi waxa uu haatan yahay maxbuus dibad joog ah
iyadoo maxkamad ayasn xakumin waxa uuna sheegay in uu aad ugu
xunyahay Amarka lagu soo rogay ee dhabar jabka ku ah howlihiis
ganacsi.
Boliiska Magaalada Berbara ayaa waxaa ay xabsiga u taxaabeen
xubin ka tirsan gudiga ganacsatada xoolaha islamarkaana
xoolihiisa ay ku xanimanyihiin dekadda Magaalada Berbara
islamarkaana su'aalo lawaydiiyay kadib la sii daayay.
Muranka u dhaxeeya ganacsatada iyo Dowlada jammuuriyad la
magac baxday Somaliland ayaa soo jiitamayay in kabadan sanad
iyo dheerad.
Sources Shabelle
|