Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

  Dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo maanta isku soo hor-fariisanaya Dalka Yemen

Dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa maanta waxay isku soo hor-fariisanayaan Magaalada Sanca ee Dalka Yemen, iyadoo labada dhinacna ay ka wada hadlayaan khilaafaad soo kala dhexgalay.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee fadhigoodu yahay Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegay in guddiyo labada dhinac kala metelaya oo heer Maxkamadihii Islaamka ah ay maanta isku horfariisan doonaan Magaalada Sanca ee Dalka Yemen, wuxuuna sheegay in ay labada dhinac ka wada hadli doonaan waxyaabihii keenay in uu Isbaheysiga kala fikir noqdo.

Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu rajeeyay in marka ay labada dhinac ka doodaan waxyaabihii la isku qabtay in ugu dambeynta la is-qancin doono, wuxuuna caddeeyay in mar kastaba ay labada dhinac doonayaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya.

Xubnaha Shirka maanta ka qeybgelayaa ayaa waxay kala kala yimaadeen Dalalka Jibouti iyo Eritrea oo fariisin u kala ah dhinacyada uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta, waxaana lagu soo waramayaa in ay labada dhinac dhexdhexaadinayaan xubno ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo ka tegay Gudaha iyo Dibadda Soomaaliya.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo lagu aas-aasay dalka Eritrea ayaa wuxuu labo qeybood u kala jabay kadib markii mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga iyo xubno ku fikir ah ay aqbaleen in ay ka qeybgalaan wada hadallo ay Qaramada Midoobay soo qaabeysay, kuwaasi oo lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Waxaa la eegayaa waxa ka soo baxa kulanka maanta Magaalada Sanca uga furmaya Dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay in xal loo helo khilaafka soo kala dhexgalay uu wax weyn ku soo kordhin karo geeddi socodka nabadeynta Soomaaliya.

 

HOE source





 

 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact