|
|
|
|
UCID oo Tilmaamay in
Heshiiska Al-jaabiri Curyaamiyey Dhaqaalihii Dalka |
|
|
Hargeysa (DSN)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ku
eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay burburisay
lafdhabartii dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Somaliland ku
tiirsanaayeen oo ah xoolaha. Sidaana waxa lagu sheegay
warsaxaafadeed uu xisbigu bishiiba hal mar ka soo saaro
xaaladaha la soo dersa dalka.
Warsaxaafadeedkan oo uu shalay soo saaray Afhayeenka UCID Mr.
Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), waxa xisbigu ku tilmaamay
heshiiska xukuumaddu dhoofka xoolaha nool kula gashay
ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-jaabiri mid xaaraan ah oo
baalmarsan distoorka iyo nidaamka suuqa xorta ah ee Somaliland
qaadatay.
Waxa kale oo Afhayeenku warsaxaafadeedkiisa kaga hadlay arrimo
ay ka mid yihiin xaaladda sicir-bararka baahsan ee dalka
hadheeyey, dhibaatada tahriibta dhallinyarada, abaaraha iyo
ganacsiga xoolaha nool, waxaannu xukuumadda ugu baaqay inay
wax-ka-beddel iyo dib-u-eegis ku samayso heshiiska dhoofka
xoolaha nool kootada ugu xidhay ganacsadaha Carbeed.
Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sedan:
“Xooluhu waa khayraadka ugu mudan ee dadka reer Somaliland
leeyihiin waxayna u yihiin macdanta iyo shidaalka lafdhabarta
u ah nolosha dadweynaha ku dhaqan geyiga Somaliland. Waxa kale
oo jirijirtay in dhaqaalaha dawladda laftiisu ku tiirsanaa oo
dakhli fara badani ka soo geli jirey cashuuraha laga qaado
haday dawladaha hoose ama dawladda dhexe noqotaba.
Nasiib-darro, waxa markii horeba adhaxda ka jebisay ganacsiga
xoolaha xukuumadda iyada oo markii horeba baalmartay oo
jebisay qawaaniinta wadanka u degsan oo ay kamid yihiin suuqii
xorta ahaa oo ay u xidhay ganacsade keliya oo weliba ajaanib
ah. Waa markii ugu horreysay taariikhda jiritaankeenna ee
xoolaheenna loo xidho qof keliya ganacsigii socday in ka badan
qarni. Halkaa waxay xukuumaddu ku laashay nuxurkii iyo
qodobadii dustuurkeenna ee dammaanad-qaadayey suuqa xorta ah.
Waxa iyaduna xusid mudan in aan la xalaalaynin heshiiskaasi
ganacsadaha ajaanibka ah xoolaha loogu xidhay oo aanuu
ansixinin baarlamaanku. Horaa loo yidhi, hal booli ahi nirig
xalaala ma dhasho!
Xisbiga UCID wuxuu u arkaa in dhibaatada suuqeenna xoolaha
haysataa ka dhalatay qawaaniinta la baalmaray. Ma caqli galbaa
in maceeshaddii kalena qaaliyawdo macdanta keliya ee aynu
haysanaana hoos u dhacdo. Jawaabtu waa maya?!
Xayiraaddan suuqa xooleheennu waxay keentay isbeddello badan
oo qaarkood ka qaybqaateen sicir-bararka iyo raashinka
cidhiidhiga galay. Waxa isbeddelladaa kamid ah, in ay
dhammaanba meesha ka baxeen ganacsatadii xoolaha iibgeyn
jirtay ee badeecadaha daruuriga ah ku soo beddeli jirey
wadankana sidaa raashinka ku keenijirey ama xoolaha ku iibsan
jirey raashinka. Waxa kale oo jiri-jirtay in ganacsatada
xooluhu dadka reermiyiga ah ee walaalahood ah u sii horumarin
jireen deyn, raashin, biyo iwm. Isbeddel kale oo xayiraadda
xoolaha ka dhashayna waxa kamid ah in sayladaheennii xooluhu u
wareegeen dalal iyo gobollo aynu deris nahay oo aan taariikhba
u lahayn dhoofinta xoolaha.
Haddaba, muddadii ganacsiga xoolaheenna ganacsade Aljaabiri
loo xidhay waxa kasoo wareegtay muddo 2 sano oo lagu qiimayn
karo. Isweydiintu waxay tahay, maxaa laga dheefay heshiiskaasi?
Ma faa’iido ayuu inoo keenay mise khasaare? Yaa dan ku qaba?
Ma dano aan muuqan ayaa jira, ileen waa tan dhibkiisii cid
walba saameeyaye? Miyaan la gaadhin goortii xukuumadda
lafteedu dib u qiimayn lahayd heshiiskaasi iyada oo mar uun
dheg u dhigaysa qaylada sannadaha qaadatay ee kasoo yeedhaysa
dadka u doortay in ay dantooda ka shaqayso?
Waxa iyaduna isweydiin leh, sababta ay xukuumaddu ugu sii
adkaysanayso sicirkii ay xoolaha u dejisay laba sano ka hor
iyada oo aynu wada ognahay in dal kastaaba maanta kaydsanayo
wixii uu khayraad iyo wax-soosaar leeyahay. Xukuumaddu waa
inay arrinkan ay kelida ku tahay wax ka bedeshaa haddii uu mar
uun dareen damqasho ku jiro.
SICIR-BARARKA:-
Waa xaqiiqo jirta in adduunka maanta uu ka jiro sicirbarar
damqay cid kasta oo adduunka guudkeeda ku nool haseyeeshee
lagu kala daran yahay saamayntiisa, u malayn mayno in ay
jiraan cid uu dhulka dhigay sideenna oo kale. Waxaana hubaal
ah in gaajo loo dhammaanayo haddii aan si degdeg ah wax looga
qaban. Masiibadan adduunka ku habsatay waxa ka badbaadi kara
dalka ka tabaabushaysta, talo ka gala, dadkiisa u damqada ee
ka yeesha istaraatiijiyad dhaqaale, mid wax-soosaar, waxa uu
leeyahay ee uu haysto habaysta, dadkiisa ku wacyigeliya qaabka
ay uga bixikaraan, una hura dedaalkii uu kaga bixilahaa ama u
baadigooba suuqyo ka nasilan kuwii hore, una dhimilahaa
cashuuraadka khidmadaha, adeegyada dawladdu qaado ama
tasiilaad kale ugu khafiifin lahaa ilaha tacbashada wax-soosaarka.
U fasixi lahayd ganacsatada kala duwan keenista badeecadaha
ugu baahida badan sida raashinka la quuto, shidaalka iwm.
Haddaba, waxa caddaan ah in ay dawladdu hagratay kana seexatay,
seexashadaasna waxa u marag ah in aanay ilaa iyo maanta ka
hadal oo kelmad keliya oo ummada rajo gelisa aan laga maqal
isla markaana lama hayo wax debcin ah oo ay ku samaysay
cashuuraha, khidmadaha iyo adeegyada saaran quutal-daruuriga
kordhis mooyaane dhegahana ka furaysatay talooyinka loo soo
jeediyo iyo dedaalka ganacsatada iyadoo aynu ognahay in
dawladaha deriskeenna ahi cashuur-dhaaf ku sameeyeen
maceeshadaha quutal-daruuriga ah.
Halkii looga fadhiyey xukuumaddu in ay isku mashquuliso wax-kaqabashada
aafadan taagan ayay ummadda ugu badashay hadallo digasho iyo
tiiqtiiqsi leh oo badeecaddiisii dacaayadaysay, isla markaana
dhiciseeyeen dedaalladii muwaadiniinta soo horkacay
ganacsatada waaweyn ee danaynayey suuqyada xoolaheenna isla
markaana soo jeediyey in ay raashin ku keenidoonaan beddelka
xoolaha. Waxa hubaal ah in dalkani ka agoomoobay xaggii
dawladda talada haysa ee xilku ka saarnaa bedbaadadii dadkeeda.
TAHRIIBTA:-
Ogaal ayaan u wada nahay in xooggii, maskaxdii, aqoontii iyo
mustaqbalkii dalkani si xawli ah uga tahriibayaan dalkooda si
indho iyo dhegola’aan leh una dhaqaaqeen iyaga oo biimo ah
isugu tuurayaan badaha iyo lama-degaannada khatarta badan leh
iyagoo nolol raadis ah. Tani waa natiijo ka dhalatay kedib
markii ay ka rajo-dhigeen wax isbeddel ah oo wadankan kasoo
socda iyaga iyo waalidkooda mustaqbalkooduna mugdi galay.
Waxa iyaduna xaqiiqo ah in meesha ay u socdaan ahayn sidii
hore oo ay kala kulmaan hantaaqooyin, xabsiyo iyo dhibaatooyin
kale oo fara badan. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in xal
loo helo sidii looga furdaaminlahaa tahriibta aan dhinacna u
roonayn.
Dalka innaga ayaa gabnay ee wax dembi ah muu innaga gelin
inkasta oo eedda kowaad saaran tahay xukuumaddii loo doortay
hogaaminta, hagidda, tusmaynta, badbaadinta horumarinta aayaha
mustaqbalka da’yarta isku miidaaminaysa badaha iyo lama-degaannada
ee haadda iyo libaax-badeedyadu ka dhargeen.
GEBAGEBO:-
Xisbigu wuxu si aan gabbasho lahayn eed iyo saluugba dusha uga
saaraayaa dhaliilaha dunuubta xambaarsan dawladda madaxweyne
Rayaale oo ka gaabisay inay dalka ku hoggaamiso siyaasad iyo
istaraajiyad cad dalkan da’yartiisa gaadhsiiso horumar balse
ay caddahay in ay hagratay oo ay baylihisay kaalinteedii
dhinac walba.
TALOOYIN:-
Xisbiga UCID waxa uu talo ahaan ku soo jeedinayaa qodobaddan
soo socda:
In dib-u-qiimayn lagu sameeyo heshiisyadii qayrul-dastuuriga
ahaa ee xukuumaddu gashay, khaas ahaan ganacsadaha Al-jaabiri
ee xoolaha loo xidhay.
In ganacsiga oo dhan xor laga dhigo sida distuurku tilmaamayo
oo albaabada loo furo tartanka suuqa xorta ah.
In si dhab ah loo dhiirigeliyo tacbashada wax-soosaarka dalka
gudihiisa qaybihiisa kala duwan bad iyo beriba
In ay waajibaadkooda ka soo baxaan wasaaradaha iyo hay’adaha
dawladda ee ay arrimahani khuseeyaan xisaabtan iyo dabagalna
yimaaddo xukuumadda dhexdeeda.
In xukuumaddu baaqyo caalamiya ka soo saarto baahiyaha dhabta
ah ee jira si kaalmooyin caalamiya ama maxalli ah loogu helo
ummaddaha innagu soo qaxay iyo kuwa dalka dhexdiisa ku
bara-kacayba.
In la asaaso kulliyado iyo machadyo ku wajahan wax-soosaarka
dabiiciga iyo xirfadaha.
In xeerka shaqada iyo shaqaalaha la dedejiyo, isla markaana
dhallinyaradeenna waddanka ka qaxaya ee wax bartay helaan
fursado shaqo.
In dawlad iyo ganacsatada waaweynba la iska kaashado abuurista
warshadaha waaweyn, kuwa dhexe iyo kuwa yaryarba.
In talo qaran laga yeesho aafada cunto-yaraanta adduunka ee la
saadaaliyey in muddadiisu dheeraanayso, iyadoo laga
qaybgelinayo aqoonyahanka Somaliland gudo iyo dibedba sidii
looga badbaadin lahaa qorshena looga dhigan lahaa.”
Jamhuuriya Source
|
|
|
|
|
| |
|
|
|