|
Rayaale oo ka Hadlay
Mowqifkiisa Ciidamo Somaliland u Dirto Jabuuti |
|
|
Hargeysa (DSN)- Madaxweyne Rayaale, ayaa dareen debacsan u
muujiyey haddii looga baahdo ay suurtogal tahay in Somaliland
taageero ciidan iyo mid millatari u fidin doonto Jamhuuriyadda
Jabuuti oo ciidammadeeda dagaal dhinaca xuduudka dhulka ah
kula jiraan kuwa dawladda Eritrea.
“Warkaas anigu weli ma sheegin, laakiin waqtigeeda iyo
maalinteeda ha lala sugo.” Sidaa waxa yidhi Md. Daahir Rayaale
Kaahin oo Idaacadda VOA-da laanteeda Afsoomaaliga uga
warramayey shalay ujeeddada booqashadii lama filaanka ahayd ee
dhawaan uu ku tegay dalka Jabuuti, waxa uu ku adkaystay
taageerada xukuumaddiisu la barbar taagan tahay xukuumadda
Jabuuti.
Jamhuuriyadda Jabuuti oo dhawaan ciidamadeeda iyo kuwa dalka
Eratariya dagaal ku dhemaray deegaanka Ras-dameer oo ku yaal
xuduuda dhinaca waqooyi ee labada dal u dhexaysa, goobtaas oo
istaraatijiyad wey oo dhinaca ganacsiga ah leh, maadaama ay
kobaabiga ku hayso marinka Baabul-madab, halkaas oo ay ka
gudbaan maraakiibta waaweyn ee ka goosha Badda Cas.
Su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii Madaxweynuhu ka bixiyey
oo faahfaahsanna waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Madaxweyne; safarkaagii ugu dambeeyey wuxuu ahaa kii
aad ku tagtay dalka Jabuuti, ma waxaad u tagtay halkaa si aad
ugu soo baroor-diiqdo oo aad ugu soo tacsiyadayso askartii
kaga dhimatay dagaalka Eratariya, mise fikir kaas ka duwan oo
aad u tagtay baa jira?
Jawaab: Horta kuwaa aad sheegtay meesha hakaba saarin oo
qoraalkaygii aan u diray intaanan taginba way ku jirtay, waa
laba Jabuuti iyo innaga cid ina kala xigtaa ma jirto,
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nina intuu kuu jiro kuuma soo
dhaafo, ninku intuu kuu jiro haddii aad garanayso waa in aad
taas samaysaa xidhiidhkeeda. Wallaaltinimadayadii in aannu soo
ceshano, xidhiidhkana in aannu wanaajino waa waajib baan qabaa,
runtiina waxaan qabaa in xidhiidhkayagu mustaqbalka halkii uu
awal joogi jiray iyo meel ka fiican uu ku soo noqon doono.
S: Maxaa ka jira wararka sheegaya in aad isla soo afgarateen
Madaxweyne Geele in Somaliland ugu deeqdo ciidamo ka dagaal
gala xuduuda u dhaxaysa Eratariya iyo Jabuuti?
J: Warkaas anigu weli ma sheegin, laakiin waqtigeeda iyo
maalinteeda ha lala sugo iminka taa ka jawaabi maayee.
S: Madaxweynaha dawladda Mbeghati Cabdillaahi Yuusuf waxa uu
dhawaan sheegay in haddii Koonfurta Soomaaliya nabad noqoto
inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Somaliland, fikirka
noocaas ah adigu ma ku raacsan tahay?
J: Koonfurta Soomaaliya annaga oo laba dawladdood ah in aannu
wada hadalno anigu ceeb uma haysto, laakiin mid ka aqbali
mayno koonfurta Soomaaliya inay sidii hanti ay lahaayeen noola
dhaqmaan, waayo weligood namay yeelan, annagaa tagnay oo ku
biirnay iyagu midnimada may samayn ee inaga ayaa samaynay,
rabitaankeena ayeynu shalay ku tagnay markaan ku khasaarnayna
rabitaankeena ayeynu kaga soo noqonay. Markaa Soomaaliya
haddii ay ixtiraam la timaado jaarnimo iyo laba dawladdood oo
walaalo ah, ixtiraamkaa mid beddelkiisa ah ayaanu ula
imanaynaa, laakiin haddii ay na sheegtaan waa maya,
wadahadalna na marimaayaan, laakiin laba dal oo siman haddii
aannu nahay dee walaalaanu nahay oo in aannu jaar noqono oo
iska wada noolaano oo nabad ku wada noolaano, taa ma diidanin.
S: Madaxweyne; haddiiba Soomaaliya la nabadeeyo muddo dheerna
ay qaadatay in aan Somaliland la ictiraafayn, marnaba intaad
xilka hayso ama haddiiba aad ka tagto maanka ma ku haysaa in
lagala hadli karo midowgii Soomaaliyeed in la soo celiyo?
J: Maya, rabitaanka ummadda ayey wax kastaa ku xidhan yihiin,
shalay markay la midoobayeen rabitaanka ummadda ayey ku timi
ee siyaasiyiinteenu in la isku biiro may oggolayn 1960-kii,
dadkeena ayaa ha la isku biiro yidhi, maantana dadkeenii baa
yidhi ha laga soo noqdo Soomaaliya. Mar kastaba go’aanka la
qaadanayo rabitaanka ummadda ayuu ku xidhan yahay ee kuma
xidhna fikir ashkhaas ah, aniguse waxaan qabaa Soomaali in
shan dawladdeed la mideeyo ayeynu tijaabinay, way shaqayn
wayday in aynu dawlado gaar gaar ah oo walaalo ah taas baa
maanta ah xaqiiqda taala, Soomaalidu yey wax shaqayn waayey
waqtiga ku lumin baan odhan lahaa, waxa xaqiiqda ah ee yaal ha
u soo jeedsato, xaqiiqda taalaana waa Somaliland iyo
Soomaaliya.
JOL Source
|
|
|
|
|
| |
|