Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

Guddoomiyaha Guurtida oo Shaaca ka Qaaday inay Dalka ka Jiraan Dhibaatooyin Waxyeeli Kara Midnimada Somaliland

Hargeysa (DSN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay dalka ka taagan yihiin dhibaatooyin baahsan oo waxyeeli kara midnimada iyo qarannimada Somaliland, kuwaas oo ay ugu daran yihiin mashaqooyinka ka jira Gobollada bariga oo u baahan in si midnimo qaran ah wax looga qabto inta aanay faraha ka bixin.

Md. Saleebaan waxa uu sidaa ku sheegay khudbad uu shalay ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 36aad ee Golaha Guurtida, khudbadaas oo uu kaga hadlay qodobo badan oo ka mid ah dhibaatooyinka daka ka taagan, sida sicir-bararka ummadda saameeyey, tahriibta dhallinyarada badan ku haligmeen, arrimaha dhoofka xoolaha, safarkii Madaxweyne Rayaale ee Djibouti iyo gobollada cusub ee dalka lagu kordhiyey.

Isaga oo Guddoomiyuhu ka hadlayey dhibaatooyinka dalka ka taagan waxa uu yidhi; “Dhibaatooyinka fara badani maanta way ka taagan yihiin, wixii waajib ah ee aynu ku leenahay kelgieen ma qaban karnee in aynu dhankeena ka tiirino kuna qaylino hadba wixii qaybo ah ayuu yahay waajibka inna saarani ee inoo yaal.

Arrimihii gobollada barigu wali sidii bay u taagan yihiin wax badan oo ka qabsoomayna anigu ma arko, ciidammadii way tageen, dawladda madaxda u joogtaa waa tii hore, cabashooyin fara badan iyo saluug badan baa jira meeshana bara-kac baa ka dhacay, Laascaanood-na aad baa horta loogu soo noqday, laakiin madax badan oo deegaanka ah baa maqan. Waxynu qaran ahaan isweydiinaynaa maxay ku maqan yihiin, maxaase laga qaban karaa, beelaha qaar baa dhexdooda xurgufi taalaa, heshiisiintooda ka shaqayntooda, soo dhawayntooda iyo nabadayntoodu waa arrin inoo taal, khusuusan Guurtida.”

Waxa uu xusay Md. Saleebaan in wefti Guurti ahi ku maqan yahay gobollada bariga oo wixii warbixino ah ee ay la soo noqdaan laga dhagaysan doono, waxaannu intaa raaciyey in dhibaatooyinka ka taagan barigu yihiin kuwa ugu ballaadhan ee deganaanshaha dalka wax u dhimi karta.

“Arrinta bariga ka taagani waa arrin innoogu ballaadhan ee deganaanshaha dalka iyo midnimadiisu ugu xasaasisan.”

Waxa kale oo uu Guddoomiye Saleebaan ka hadlay dhibaatooyinka dhaqaale iyo sicir-barar ee dalka ka taagan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waad maqlaysaan kulaylka iyo qaylada dadka ka yeedhaysa iyo sicir-bararka taagan, sicir-bararkan xumi adduunkoo dhan wuu jiraa, waxa ugu weyn ee maanta sababay waxa weeye awalba innaga wax soo saarkeenu wuu yaraa. Run baan idiin sheegayaayey muddo dheer baynu u baranay wax ka soo hadha nimanka wax beerta ee waddamada reer galbeedka inay innagu soo daadiyaan waxa ka dhergeen, taasina waxay innaga xanibtay in aynu wax beerano oo ka kaaftoono, waayo raashin jaban bay innagu soo daadin jireen, iminkana waxay yidhaahdeen waddamadii reer galbeedku, dalalkii Khaliijku shidaalkoodii way nagu cuno-qabateeyeen oo cuntadaanu shidaal ka samaysanayaa, markaa kolkii ay raashinkii shidaal ka dhigteen wixii ay inoo keenayeena joojiyeen waa taa la wada qaylinayo.

Waxay ila tahay inay arrintaas waxtar inoo noqon doonto, waad ogtihiinoo sannadihii 70-naadkii wixii Soomaaliya la isku odhan jiray mar baynu cuntada isku filaanay oo waliba kayd samaysanay, waxaanna innagu filan intan yar ee galbeedka Somaliland maba badnine inteena kalena maba naqaano qodaalkee, markii cuntadii reer galbeedku ka tan badatay way daayeen oo waa kuwaa qaadka baray, markaa wixii aynu arrintaa ka yeeli lahayn qaran ahaan in aynu ka tashano, hadda Soomaaliya cuntaa la siyaa ma la innagu dari karaa? Djibouti waa la siiyaa ma la innagu dari karaa? In aynu fadhiga ka kacno oo meeshii aynu u geli karnaba u galno sidii cunto la’aanta looga bixi lahaa, haddii aynu guntiga dhiisha isaga dhigayno oo wax beeranayno waa qodobe inta ka horreysa sidaynu dadkii wax u gaadhsiinaa innaga iyo xukuumadba waanna arrimaha inoo yaal.

Waad maqlayseen Berbera iyo xoolihii dhoofintoodii qaylada ka baxaysa, dadbaa yidhi xoolaha waannu dhoofinaynaa oo waxaannu haynaa sicir ka badan ka Al-jaabiri, heshiiskii hre xukuumaddu ula gashay Al-jaabirina wuu jiraa, waxay ila tahay ama qaboojin ha ahaato ama wax-ka-qabasho ha noqotee arrimahaa inoo yaal bay ka mid tahay.”

Md. Saleebaan sida oo kale waxa uu ka hadlay dhallinyarada reer Somaliland ee tahriibta ku dhammaatay oo uu sheegay in baddaha ku dhammaadeen da’yartii laf-dhabarta u noqon lahaa horumarka dalku, waxaannu soo jeediyey in sidii arrintaa wax looga qaban lahaa laga wada tashado.

Dhinaca kale waxa uu soo jeediyey in wada shaqanta labada gole ee Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada] la xoojiyo si waajibaadka shaqo ee ay ummadda u hayaan si fiican ugu gutaan, isaga oo intaa ku daray in yooyootanka labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada ka dhex jiraa uu dhibaato u yahay qaranka, waxaannu tilmaamay in wada shaqanta Baarlamaanku ay danta ummadda ku jirto.

“Baarlamaan waa kii wada shaqeeya, dawladdu waa saddex hay’adood oo is dheelitira, waanna xukuumadda, Baarlamaanka iyo caddaaladda, saddexdaas waa inay isa saxaan oo khaladaadka iska qabtaan oo mid walibana ka kale ilaaliyaa.

Baarlamaanku dhacdhaca iyo xukuumadda xadgudubkeeda waa inuu ka ilaaliyaa dadka, haddii innagiiba is cunayno maxaynu ka ilaalin, waa in aynu isa saxnaa, caddaaladdu [garsoorka] waa inay siyaasiyiinta dadka ka ilaaliso oo ay dhex ahaato. Saddexdaa waaxoodna waa in ay sidaa isku ilaaliyaan, sidaasayna dimoqraadiyaddu ku hagaagta.

Markaa labadeenii Baarlamaanka la isku odhan jiray waa in aynu wada shaqayno oo xidhiidhkeenu isku soo dhawaado, sharcigii aynu ku wada shaqayn lahayna la sameeyo,” ayuu yidhi Md. Saleebaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kale oo uu wax ka taabtay safarkii Madaxweyne Rayaale ee dalka Djibouti oo uu ku tilmaamay mid isku soo dhaweeyey xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Djibouti, isaga oo intaa ku daray in dabagalka iyo qurxinta xidhiidhkan ay laga maarmaan tahay in Golaha Baarlamaankuna qayb ka qaato oo aan lagu dayn Madaxweynaha iyo xukuumadda.

Waxa uu Md. Saleebaan ku soo gunaanadya hadalka uuka jeediyey furitaanka kalfadhiga 36aad ee Guurtida arrinta gobollada cusub ee uu Madaxweyne Rayaale magacaabay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Gobollo cusub oo badan baa la magacaabay, degmooyin badan bay yeesheen siday u hirgalayaan, maxay soo kordhinayaan, laakiin kolay golayaasha [Guurtida iyo Wakiillada] sharcieyntoodu way iman doontaa, balse waa in aynu ka fikirnaa waa loo wanqalay oo lagu duceeyey oo xoolo badan baynu mid walba ku dul cunay, markaa ilaa halka ugu shishaysa ilaa galbeedka jiritaanka gobolladaas ma xaqiijismayaan, maxaase la innooga baahan yaay si aynu u xaqiijino, waa la xaqiijin karaa, haddii aynu u kacno, waxyanu yeelanaynaa sidii ay ku xaqiijimi lahaayeen ee gobollo ku noqon lahaayeen sharciyeyn iyo u halganba waa arrin inoo taal.”

Intaas kadibna waxa mudanayaasha loo qaybiyey ajandaha aan rasmiga ahayn ee kalfadhiga 36aad oo marka ay mudanayaashu soo akhristaan ee wax ka ssoo darsaan, sidiisa lagu ansixin doono ama wax-ka-beddel lagu samayn doono.

Ajamdahaas oo faahfaahsana wax auu u dhignaa sidan:

“1. Warbixinta guddiga joogtada ah.

2. Siyaasadda arrimaha gudaha.

b) Dhammaystirka nabadaynta iyo isku-soo dhawaynta beelaha bariga.

t) Xoojinta maamulka iyo amniga gobollada bari.

3. Arrimaha dhaqaalaha

b) Sicir-bararka

t) Dhoofinta xoolaha iyo waxyaabaha hortaagan

4. Xogwarraysiyo lala yeesho masuuliyiinta wasaaraddahan

b) Wasaaradda Beeraha

t) Wasaaradda Ganacsiga

j) Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

x) Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka

5. Shuruucda

b) Xeer-hoosaadka Golaha Baarlamaanka

t) Ansixinta Xeerka Komishanka Xuquuqda Aadamaha Xeer Lambar 39/2008.

j) Ansixinta wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Dhulka magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lambar 17/2001.

6. Waxyaabo kale (Any other Business).”


DSNHarhgeysa

 

JOL Source





 

 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact