|
|
|
|
Guddoomiyaha Guurtida oo
Shaaca ka Qaaday inay Dalka ka Jiraan Dhibaatooyin Waxyeeli
Kara Midnimada Somaliland |
|
|
Hargeysa (DSN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.
Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday
inay dalka ka taagan yihiin dhibaatooyin baahsan oo waxyeeli
kara midnimada iyo qarannimada Somaliland, kuwaas oo ay ugu
daran yihiin mashaqooyinka ka jira Gobollada bariga oo u
baahan in si midnimo qaran ah wax looga qabto inta aanay
faraha ka bixin.
Md. Saleebaan waxa uu sidaa ku sheegay khudbad uu shalay ka
jeediyey furitaanka kalfadhiga 36aad ee Golaha Guurtida,
khudbadaas oo uu kaga hadlay qodobo badan oo ka mid ah
dhibaatooyinka daka ka taagan, sida sicir-bararka ummadda
saameeyey, tahriibta dhallinyarada badan ku haligmeen,
arrimaha dhoofka xoolaha, safarkii Madaxweyne Rayaale ee
Djibouti iyo gobollada cusub ee dalka lagu kordhiyey.
Isaga oo Guddoomiyuhu ka hadlayey dhibaatooyinka dalka ka
taagan waxa uu yidhi; “Dhibaatooyinka fara badani maanta way
ka taagan yihiin, wixii waajib ah ee aynu ku leenahay kelgieen
ma qaban karnee in aynu dhankeena ka tiirino kuna qaylino
hadba wixii qaybo ah ayuu yahay waajibka inna saarani ee inoo
yaal.
Arrimihii gobollada barigu wali sidii bay u taagan yihiin wax
badan oo ka qabsoomayna anigu ma arko, ciidammadii way tageen,
dawladda madaxda u joogtaa waa tii hore, cabashooyin fara
badan iyo saluug badan baa jira meeshana bara-kac baa ka
dhacay, Laascaanood-na aad baa horta loogu soo noqday, laakiin
madax badan oo deegaanka ah baa maqan. Waxynu qaran ahaan
isweydiinaynaa maxay ku maqan yihiin, maxaase laga qaban karaa,
beelaha qaar baa dhexdooda xurgufi taalaa, heshiisiintooda ka
shaqayntooda, soo dhawayntooda iyo nabadayntoodu waa arrin
inoo taal, khusuusan Guurtida.”
Waxa uu xusay Md. Saleebaan in wefti Guurti ahi ku maqan yahay
gobollada bariga oo wixii warbixino ah ee ay la soo noqdaan
laga dhagaysan doono, waxaannu intaa raaciyey in
dhibaatooyinka ka taagan barigu yihiin kuwa ugu ballaadhan ee
deganaanshaha dalka wax u dhimi karta.
“Arrinta bariga ka taagani waa arrin innoogu ballaadhan ee
deganaanshaha dalka iyo midnimadiisu ugu xasaasisan.”
Waxa kale oo uu Guddoomiye Saleebaan ka hadlay dhibaatooyinka
dhaqaale iyo sicir-barar ee dalka ka taagan, isaga oo arrintaa
ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waad maqlaysaan kulaylka iyo
qaylada dadka ka yeedhaysa iyo sicir-bararka taagan,
sicir-bararkan xumi adduunkoo dhan wuu jiraa, waxa ugu weyn ee
maanta sababay waxa weeye awalba innaga wax soo saarkeenu wuu
yaraa. Run baan idiin sheegayaayey muddo dheer baynu u baranay
wax ka soo hadha nimanka wax beerta ee waddamada reer
galbeedka inay innagu soo daadiyaan waxa ka dhergeen, taasina
waxay innaga xanibtay in aynu wax beerano oo ka kaaftoono,
waayo raashin jaban bay innagu soo daadin jireen, iminkana
waxay yidhaahdeen waddamadii reer galbeedku, dalalkii
Khaliijku shidaalkoodii way nagu cuno-qabateeyeen oo
cuntadaanu shidaal ka samaysanayaa, markaa kolkii ay
raashinkii shidaal ka dhigteen wixii ay inoo keenayeena
joojiyeen waa taa la wada qaylinayo.
Waxay ila tahay inay arrintaas waxtar inoo noqon doonto, waad
ogtihiinoo sannadihii 70-naadkii wixii Soomaaliya la isku
odhan jiray mar baynu cuntada isku filaanay oo waliba kayd
samaysanay, waxaanna innagu filan intan yar ee galbeedka
Somaliland maba badnine inteena kalena maba naqaano qodaalkee,
markii cuntadii reer galbeedku ka tan badatay way daayeen oo
waa kuwaa qaadka baray, markaa wixii aynu arrintaa ka yeeli
lahayn qaran ahaan in aynu ka tashano, hadda Soomaaliya cuntaa
la siyaa ma la innagu dari karaa? Djibouti waa la siiyaa ma la
innagu dari karaa? In aynu fadhiga ka kacno oo meeshii aynu u
geli karnaba u galno sidii cunto la’aanta looga bixi lahaa,
haddii aynu guntiga dhiisha isaga dhigayno oo wax beeranayno
waa qodobe inta ka horreysa sidaynu dadkii wax u gaadhsiinaa
innaga iyo xukuumadba waanna arrimaha inoo yaal.
Waad maqlayseen Berbera iyo xoolihii dhoofintoodii qaylada ka
baxaysa, dadbaa yidhi xoolaha waannu dhoofinaynaa oo waxaannu
haynaa sicir ka badan ka Al-jaabiri, heshiiskii hre xukuumaddu
ula gashay Al-jaabirina wuu jiraa, waxay ila tahay ama
qaboojin ha ahaato ama wax-ka-qabasho ha noqotee arrimahaa
inoo yaal bay ka mid tahay.”
Md. Saleebaan sida oo kale waxa uu ka hadlay dhallinyarada
reer Somaliland ee tahriibta ku dhammaatay oo uu sheegay in
baddaha ku dhammaadeen da’yartii laf-dhabarta u noqon lahaa
horumarka dalku, waxaannu soo jeediyey in sidii arrintaa wax
looga qaban lahaa laga wada tashado.
Dhinaca kale waxa uu soo jeediyey in wada shaqanta labada gole
ee Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada] la xoojiyo si
waajibaadka shaqo ee ay ummadda u hayaan si fiican ugu gutaan,
isaga oo intaa ku daray in yooyootanka labada aqal ee Guurtida
iyo Wakiillada ka dhex jiraa uu dhibaato u yahay qaranka,
waxaannu tilmaamay in wada shaqanta Baarlamaanku ay danta
ummadda ku jirto.
“Baarlamaan waa kii wada shaqeeya, dawladdu waa saddex
hay’adood oo is dheelitira, waanna xukuumadda, Baarlamaanka
iyo caddaaladda, saddexdaas waa inay isa saxaan oo khaladaadka
iska qabtaan oo mid walibana ka kale ilaaliyaa.
Baarlamaanku dhacdhaca iyo xukuumadda xadgudubkeeda waa inuu
ka ilaaliyaa dadka, haddii innagiiba is cunayno maxaynu ka
ilaalin, waa in aynu isa saxnaa, caddaaladdu [garsoorka] waa
inay siyaasiyiinta dadka ka ilaaliso oo ay dhex ahaato.
Saddexdaa waaxoodna waa in ay sidaa isku ilaaliyaan,
sidaasayna dimoqraadiyaddu ku hagaagta.
Markaa labadeenii Baarlamaanka la isku odhan jiray waa in aynu
wada shaqayno oo xidhiidhkeenu isku soo dhawaado, sharcigii
aynu ku wada shaqayn lahayna la sameeyo,” ayuu yidhi Md.
Saleebaan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa
kale oo uu wax ka taabtay safarkii Madaxweyne Rayaale ee dalka
Djibouti oo uu ku tilmaamay mid isku soo dhaweeyey xidhiidhka
labada dal ee Somaliland iyo Djibouti, isaga oo intaa ku daray
in dabagalka iyo qurxinta xidhiidhkan ay laga maarmaan tahay
in Golaha Baarlamaankuna qayb ka qaato oo aan lagu dayn
Madaxweynaha iyo xukuumadda.
Waxa uu Md. Saleebaan ku soo gunaanadya hadalka uuka jeediyey
furitaanka kalfadhiga 36aad ee Guurtida arrinta gobollada
cusub ee uu Madaxweyne Rayaale magacaabay, isaga oo arrintaa
ka hadlayana waxa uu yidhi; “Gobollo cusub oo badan baa la
magacaabay, degmooyin badan bay yeesheen siday u hirgalayaan,
maxay soo kordhinayaan, laakiin kolay golayaasha [Guurtida iyo
Wakiillada] sharcieyntoodu way iman doontaa, balse waa in aynu
ka fikirnaa waa loo wanqalay oo lagu duceeyey oo xoolo badan
baynu mid walba ku dul cunay, markaa ilaa halka ugu shishaysa
ilaa galbeedka jiritaanka gobolladaas ma xaqiijismayaan,
maxaase la innooga baahan yaay si aynu u xaqiijino, waa la
xaqiijin karaa, haddii aynu u kacno, waxyanu yeelanaynaa sidii
ay ku xaqiijimi lahaayeen ee gobollo ku noqon lahaayeen
sharciyeyn iyo u halganba waa arrin inoo taal.”
Intaas kadibna waxa mudanayaasha loo qaybiyey ajandaha aan
rasmiga ahayn ee kalfadhiga 36aad oo marka ay mudanayaashu soo
akhristaan ee wax ka ssoo darsaan, sidiisa lagu ansixin doono
ama wax-ka-beddel lagu samayn doono.
Ajamdahaas oo faahfaahsana wax auu u dhignaa sidan:
“1. Warbixinta guddiga joogtada ah.
2. Siyaasadda arrimaha gudaha.
b) Dhammaystirka nabadaynta iyo isku-soo dhawaynta beelaha
bariga.
t) Xoojinta maamulka iyo amniga gobollada bari.
3. Arrimaha dhaqaalaha
b) Sicir-bararka
t) Dhoofinta xoolaha iyo waxyaabaha hortaagan
4. Xogwarraysiyo lala yeesho masuuliyiinta wasaaraddahan
b) Wasaaradda Beeraha
t) Wasaaradda Ganacsiga
j) Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
x) Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka
5. Shuruucda
b) Xeer-hoosaadka Golaha Baarlamaanka
t) Ansixinta Xeerka Komishanka Xuquuqda Aadamaha Xeer Lambar
39/2008.
j) Ansixinta wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Dhulka
magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lambar 17/2001.
6. Waxyaabo kale (Any other Business).”
DSNHarhgeysa
JOL Source
|
|
|
|
|
| |
|
|
|