Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

Warsaxaafadeed Madaxtooyada SOMALILAND

 Madaxtooyada SOMALILAND

Date: 07/07/2008

Warsaxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Ka Socda Deeq bixiyayaasha Ururka Isbahaysiga Yurub ee EU ee Somaliland ka taageeraya Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayay Mr Richard Hands, waxa ay booqasho gaaban oo dhawr maalmood ah ku soo gaadheen Somaliland , si ay u kuur galaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo u diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo food leh.

Mudane Richard Hands hadal kooban oo uu kulankaasi ka jeediyay waxa uu ugu mahad naqay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin , Asxaabta Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka sidii ay u soo afjareen khilaafkii ka taagnaa arrimaha la xidhiidha Doorashooyinka , waxana uu ku amaanay tallaabooyinka ay Somaliland ka qaaday taas oo looga bartay mar kasta in ay Somaliland ku xaliso khilaafkeeda si wada tashi iyo is afgarad ah.

Mudane Hands waxa kale oo uu sheegay in ururka Barwaaqo Sooranka ee EU-da iyo dalalka kale ee deeq bixiyayaashuba ay la diyaar yihiin taageeradii dhinaca dhaqaalaha oo ay ku bixin lahaayeen Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka ee dalka ku soo fool leh, waxana uu ku tilmaamay in arrintaasi ay tahay arrin culus oo looga baahan yahay in Somaliland ay si qurux badan uga dabaalato , una ansixiso si nabad gelyo iyo xasilooni ah.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna kulankaasi si kooban uga hadlay waxa uu ugu mahad naqay wadamada deeq bixiyayaasha oo ay ugu horeyso ururka Barwaaqo Sooranka EU-da taageerada buuxda ee ay ka siinayso sidii ay u qabsoomi lahaayeen Diiwaan gelinta ku saabsan dhinaca doorashooyinka ee loo samayn doono muwaadniinta reer Somaliland ,taas oo ah mid aan dalka hore looga samaynin , kuna cusub

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ballan qaaday in xukuumadiisu ay gacan buuxda ka siin doonto dhamaan hay’adaha ku shaqada leh diiwaan gelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinkaba , si ay dalka uga dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaala.

Mudane Rayaale waxa kale oo uu tibaaxay in ay sidii looga bartay Somaliland mar kasta ay diyaar u tahay in ay iyadu dhamaysato wixii khilaafaad ah ama carqalad ah ee la soo gudboonaada , iyada oo aan cid kale la kaashan, waxana uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo dar dar gelin doono laamihii shaqada ku lahaa diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo ay ka mid tahay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Guddiyada Xukuumada , Komishanka Doorashooyinka iyo Asxaabta Qaranku ay wadaagaan.

Wefdigaasi deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee EU-da oo dhawr maalmood ku sugnaa Somaliland , waxa ay fadhiyo gooni gooni ah la yeesheen dhawrkii maalmood ee ina dhaafay Madaxda Asxaabta Qaranka , Shirgudoonada Labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida iyo Guddida Doorashooyinka. Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

JOH Source





 
 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact