BAAQ AY SOO SAAREEN
CULIMADA IYO SALAADIINTA BOORAMA QAAR KA MID AH
Borama(dsn)Waxaa maanta Masaajidka Jaamaca Sh.Cali Jawhar shir
isugu yimid culimada Gobolka Awdal iyo qaar ka mid ah
Salaadiinta iyo Cuqaasha gobolka waxanay kulan ay yeesheen
04/071429H oo waafaqan 07/07/08 ayna ku falanqeeyeen xaaladaha
abaaraha ka jira dalka gaar ahaan Gobolka Awal dood, falanqayn
iyo wax iswaydaarsi ka dib waxa ay sheegeen iyada oo dadka
reer Awdal ay aad ugu tiirsan yihiin Xoolaha nool oo ay
dhaqdaan iyo wixii ay beeraha ka tabcadaan in ay dhulka ka
jiraan abaaro iyo dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin sicir
barar, iyada oo waliba dadkii baadiyaha deganaa ee xoolaha
lahaa ay ka le’deen wixii yaraa ee ay haysteen.
Waxa ay culimada ay salaadiintuba soo saareen baaq ka kooban
laba qaybood oo kala ah mid ku wajahan maamulka gobolka iyo
mid ku aadan dadwaynaa degen gobolka Awdal, kan maamulka
gobolka ku aadan wax uu ka koobnaa dhawr qodob oo kala ah
sedan:
1. In xukuumadu ku baaqdo wax ka qabashada dhibaatada taagan
caalamkana gaadhsiiso sidaas.
2. In xukuumadu ku dhiiri galiso ganacsatada keenista
raashinka jaban sida Galayda, Hadhuudhka Digirta iwm kuwaas oo
laga keeni karo wadamada inoo dhow sida Suudaan oo kale
islamarkaana xukuumadu ka dhaafto cashuurta.
3. In la sameeyo wacyi galin ku aadan sidii loo kordhin lahaa
dalagyada quutal daruuriga ah halkii laga beeri lahaa wax
kale.
4. In ay dawladu wax ka qabato kana hortagto faafida macsiyada
iyo cadaalad darada taas oo sabab u ah abaaraha iyo
cidhiidhiga jira.
5. In lagu booriyo dadka xeebaha degan in ay kordhiyaan wax
soo saarka kalluunka kana faa’iidaystaan khayraadka bada.
Waxaa kale oo culimadu ku soo celceliyeen in xoolaha laga
dhoofiyo saylac ama loo dhoofiyo Jabuuti lagala mid dhigo kuwa
kale oo wadamada kale aan u dhoofino oo xaga cashuurta ay
isaga mid noqdaan.
Waxaa kale oo culimada iyo salaadiintu ay baaq kale u soo
jeediyeen dadwaynaha reer Awdal oo ay ka dalbadeen in ay
Ilaahay u Tawbad keenaan, in ay joojiyaan dulmiga iyo isku
xadgudubka, in ay ka hortagaan waxna ka qabtaan dadka sufahada
ah ee Ilaahay, Diintiisa iyo Rasuulkiisaba aflagaadayna, in la
joojiyo gaafafka aroosyada gaar ahaan kuwa miyiga oo ay
sheegeen culimadau in ay dhibaado ama faaxisho foolxumo ka
dhacdo marka ay dhalinyaradu isugu yimaadaan meehaas.
Waxaa kale oo baaqka culimada iyo salaadiinta ku jiray in
dadka reer Awdal ee Qurba jooga ah ay dadka walaalahood ah wax
soo taraan oo u soo gurmadaan wax ala iyo wixii ay qaban
karaana soo diraan
Waxaa shirkaas gudoominayey Sh.C/laahi .Sh.Cali Jawhar iyo
Sh.C/raxmaan Cilmi,iyada oo madasha fadhiyeen culimo kale iyo
salaadiin halkaasna ay isku waydaarsadeen dodo iyo warbixino
ku saabsaan xaalada gobolku marayo