|
Xukuumadda oo Qiratay in ay
Heshiis aan la Ansixin Kula Jirto Shirkadda TGS-NOPECWasiirka
Macdanta iyo Biyaha |
|
|
Hargeysa (DSN)- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Qaasim Sheekh
Yuusuf Ibraahim, ayaa daboolka ka qaaday inay shirka TGS-Nopec
ee sahanka baadhista shidaalka ku samaysay Somaliland ay la
galeen heshiis ay muddo toban sannadood ah ugu oggolaadeen
iibinta iyo kaydinta xogaha macluumaadkii ay ka ururiyeen
sahankooda, kaas oo uu caddeeyay in aan ilaa iminka loo gudbin
Golaha Wakiillada oo dastuurku dhigayo in heshiis kasta oo
xukuumaddu cid la gasho aan lagu dhaqmi karayn ilaa ay
ansixiyaan.
Md. Qaasim waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay
ku qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isagoo daba
socday eedaymo ay guddiga degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah
ee Wakiilladu ku dureen heshiisyada wasaaraddiisu la gashay
shirkadaha ajnebiga ah ee la xidhiidha sahanka baadhista
shidaalka dalka Somaliland, isagoo eedaymaha ku saabsan
heshiisyada aan la horgeyn isaga riixay dhinaca golaha
xukuumadda oo uu guddoomiye u yahay madaxwayne Rayaale,
waxaannu sheegay inuu heshiisyada u gudbiyey si ay u
ansixiyaan, balse aannu ogayn sida Golaha xukuumaddu ka yeelay.
Wasiirka oo suxufiyiintu weydiiyeen su’aalo kala duwan oo la
xidhiidha eedaymaha musuq-maasuq ee loo soo jeediyey iyo
heshiisyada wasaaraddiisu la gashay shirkadaha shisheeye, ayaa
ka muquurtay inuu jawaabo sax ah oo lagu qanco ka bixiyo
weydiimaha warfidiyeennada.
Ugu horreyn Wasiir Qaasim oo sharraxaad kooban ka bixinayey
ujeeddada uu u qabtay shirkiisa jaraa’id, waxa uu yidhi;
“Joornallada waxa maanta [shalay] ku qoran waxyaabo fara badan
[eedaymo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha loo soo jeediyey] rag
badan oo idinka [saxaafadda] idinka mid ahina way i hareero
yaacayeen, markaa inaad su’aalo i waydiisaan ayaan idiinku
yeedhay.”
Hordhaca kooban ee uu Wasiirku saxaafadda siiyey ka bacdi
su’aalihii laga waydiiyey eedaymaha uu Md. Siciid Maxamed
Cilmi u soo jeediyey wasaaradiisa iyo jawaabihii uu ka
bixiyeyba waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Waxa jira wasiir in mudane ka mid ah guddiga degaanka
iyo khayraadka dabaciiga ah ee Wakiilladu uu eedaymo badan u
soo jeediyey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, eedaymahaas maxaa
ka jira?
Jawaab: Horta runtii waxaan ka xumahay in masuuliyiinta
qaranku warbaahinata ku yooyootanto ama fariimaha la isku
dirayo saxaafadda la isku mariyo, xildhibaanka haddii aan in
yar ku laabto, maalin dhawayd ayuu waraaq ii soo qoray,
anigayna toos iigu socotay, nuxurkeeduna wax qurux badan buu
ahaa, shalayna joornaallada ayey ku taal, warqaddaasna
gebagebadeedu waxay ahayd waxaannu idinka doonaynaa in aad noo
soo gudbisaan wixii aad qabateen, waanna wax masuuliyiinta
qaranku inay istidhaahdo ay tahay. Saacadii la ii dhiibay
aniga oo aan warqadii akhriyin ayuu haddana shir-jaraa’id
qabtay, warqadii uu ii soo qoray jawaabteedii baan siiyey
erayada uu adeegsadayna maan jeclaysan af-ingiriisii bayna ku
qornayd. Subaxii dambena guddiga joogta ah ee Wakiillada ayaa
noo yeedhay, noo warama ayey yidhaaheen, waannu u warranay,
iyaguna waxay ku xumaayeen wixii wasaaradda iyo xildhibaanku
isugu jawaabeen, mar kalena waxa uu haddana qabtay
shir-jaraa’id oo uu wasaaradda wax kaga sheegayo, wasaarado
kalena ku taataabanayo.
Markaa runtii ma garanayo waxa ku kellifay iyo sababaha
keenayba, waana arrin aanan anigu jeclaysan.
S: Heshiisyada aad hawlaha shidaal-baadhista kula gashay
shirkadda ajaanibka ah, bal ka waran, maxaase Golaha
Baarlamaanka ilaa iminka u hor geyn waydeen?
J: Horta qaran baynu nahay oo ma nihin xaafado is-dhexyaacaya,
dawlad baynanu nahay, marka arrintu ay sharci noqotana
sharcigu waxa uu leeyahay qaabkiisa iyo nidaamkiisa, haddii ay
noqoto wasaaraddu maxay heshiisyadaa u keeni wayday, waxay ila
tahay xildhibaanka wax badan baa ka khaldan, wasaaradduna
golayaasha ma geyso shuruucda, golayaashuna hadday yihiin
Guurtida iyo Wakiilladu waxay xaq ugu leeyihiin wasaaradaha ay
noo xogwarrama yidhaahdaan, wixii sharci ah marka la diyaariyo
golaha xukuumadda ayaanu annagu gaynaa, golaha xukuumadduna
markuu ansixiyo ayaa la gudbiyaa, sharcigana cid diidi kartaa
ma jirto.
S: Markaa wali heshiisyadan aad shirkadaha ajaanibka ah la
gasheen Golaah Wasiirrada ma u gudbiseen, maxayse ka
ydhaahdeen?
J: Haa, heshiisyada shirkadaha Golaha Wasiirrada waannu u
gudbinay, wixii ay ka yidhaadeena iyaaga og.
S: Wasiir shirkad ajaanib ah oo la yidhaa TGS-Nopec ayaa
dhawaan dalka ka samaysay sahan dhinaca shidaalka ah,
arrintaasi halkay ku dambaysay?
J: Maaha markii koobaad, markii labaadna maaha ee sahanka la
sameeyo iyada oo qoraal ah oo maab ah oo fidiyow ah intaba
waannu haynaa.
S: Waxa uu xildhibaanku si gaar ah adiga kuugu eedeeyey in
heshiisyada shiradaha laga qaado lacago badan oo malaayiin
dollar gaadhay, lacagahaasna aad adigu si gaara jeebadaha ugu
shubatay, arrintaa maxaad ka odhanaysaa?
J: Mid qudha ayaan ka odhanayaa waa been ee isagu ha soo
caddeeyo.
S: Wasiir heshiisyada xukuumadda aad ka tirsan tahay la gashay
shirkadaha ajaanibka ah, waa maxay sababaha ka hortaagan in
Baarlamaanka loo gudbiyo, miyaanay dastuurka qaranka oo la
jabiyey ahayn?
J: Horta fikirkaa adiga kulama qabo, dastuur la jabiyeyna uma
arko, haddii qaab dawladeed aynu doonayno in aynu isticmaalno
sharciga ciddina kama wayna. Dastuurku waxa uu tilmaamayo in
la raacana waa waajib ah, laakiin inta aan ogahay masuulkana
ka ahayd hawlaha aannu wadno ilaa ay bislaadaan annagu
waxaannu qabnaa in cid kale loo gudbiyo, marka ay bislaadaan
cid walba kaalinta ay ku leedahay in aannu u gudbino.
S: Waxyaabaha xildhibaanku idinku eedeeyey waxa ka mid ah in
iibinta xogta shirkadda TGS-Nopec ka ururisay Somaliland ay ka
soo xaroonayso 80 ilaa 110 milyan dollar oo aan la qaranaya
sidee lacagtaa loo maamulayo, arrintaa warbixin naga sii?
J: Horta lacagtaa ninkii og baa sheegi, laakiin meesha
khaladku ka jiro aan idiin sheego inay aqoon-darro tahay iyo
inay badheedh tahayba aanan garanayn. Shirkadda TGS-Nopec
dalkeena markaanu macluumaadka raadinaynay shirkadihii aannu
la kulanay waliba way diiday, inay sahan inoo qaado, shirkadda
kaliya ee ku dhiiratay inay khatarta tuurta u ridato weeye,
innaga shilin dawladdeena inagagama baxayo, lacagtooda ayey
isticmaalayeen oo waa dhab, lacagtoodu waxay ku helayaan waxa
weeye oo aannu kula heshiinay 10 sannadood xogta ay dalka ka
soo ururiyeen inay iyagu inoo hayaan, inta suuqa xogtaasi
gelayso oo waliba iyagu suuqa galiyaan oo iibiyaan, ganacsiga
iyo faa’iidadaduna halkaasu iyaga ugu jiraa, laakiin lacagta
ka soo baxaysa anigu ma garanayo. Hadduuse isagu [Md. Siciid
Maxamed Cilmi] ogyahay ha inoo sheego.
S: Wasiir Heshiiska ma waxaad u taqaanaan waxa adiga iyo
shirkaduhu wada saxeexataan, mise ka sharciyadiisii oo dhan
maray golayaashu ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexo?
J: Heshiis maxa ala yidhaahdaa? Afka soomaalga heshiis waxa la
yidhaahdaa marka laba qof ama laba qaybood wax ku heshiiyaan.
Markaa heshiis sida aad u fasirataan ma aqoone waxa la
yidhaahdaa waxa alla waxa laba qaybood isku afgartaan.
Dastuurkeenana af soomaali buu ku qoran yahay oo heshiis baa
ku yaal.
S: Waxa la idinku eedeeyey in wasaaradiinu door ku leedahay
sun lagu daayey xeebaha Somaliland dad badana wax ku noqdeen
bal arrimahaas nooga waran?
J: Arrinta suntu waa mid aad u adag, dadku malaha sunta siday
u yaqaanaan ma garanayo, anigu waxaan u haystaa arrin khatar
ah oo cidda samaysaana ay tahay qayrul-masuulnimo badda
kalluunka ku jira, haddii la sumeeyo adduunka nin nool oo ka
badbaadayaa ma jiro, xabbada kalluunka ah ee xeebteena ku
jirta haddii la sumeeyo waxay tagaysaa adduunka halka ugu
dambaysa, taasina waa arrinta sharciga iyo nidaamka loogu
samaystay.
Runtii anigu arrintaa mid sahlan uma arko, laakiin marka qof
masuul ahi leeyahay sun baa lagu daadiyey xeebteena wax sahlan
ma noqonayso, waanna wax u baahan dabagalkeeda iyo sharci
raadinteeda, arrinta sahanka baddana waxa ka wada shaqaynayey
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Kalluumaysiga, ciidanka
illaalada xeebaha, markabka labada biloo baddeena ku jriay
cidankeena qaranka saarnaa oo aan maalina ka soo degin, iyada
oo fiidiyowna waan diin keenaynaa, markaa ciidankeena markabka
saarnaa in la yidhaahdo qashin bay badda ku gureen ninka
yidhaa ha ku soo caddeeyo wax lagaga hadhayana ma noqonayso.
S: Wasiir waxa uu xildhibaanku sheegay in shirkadda Ophir-energy
oo aad heshiis kula jirtaan ay idin ballanqaaday inay
sannadkasta idin siiso lacag ku dhaw ilaa $100 kun oo dollar
oo loogu talogalay tayeynta Wasaaradda, lacagtaasna si loo
isticmaalo aan la aqoon, arrintaas ma jirtaa?
J: Horta ayaan-darradu waxa weeye qofku waxa uu doono wuu
sheegi karaa hadduu heshiisku hayana idin tuso, hadduu cid
kale war ka soo qaadayna ha sheego, laakiin hadduu qofku wax
iska yidhaahdo yooyoootan bay noqonaysaa oo in aan ka jawaabo
maaha.
JOK Source
|
|
|
|
|
| |
|