Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

Xukuumadda oo Qiratay in ay Heshiis aan la Ansixin Kula Jirto Shirkadda TGS-NOPECWasiirka Macdanta iyo Biyaha

Hargeysa (DSN)- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Qaasim Sheekh Yuusuf Ibraahim, ayaa daboolka ka qaaday inay shirka TGS-Nopec ee sahanka baadhista shidaalka ku samaysay Somaliland ay la galeen heshiis ay muddo toban sannadood ah ugu oggolaadeen iibinta iyo kaydinta xogaha macluumaadkii ay ka ururiyeen sahankooda, kaas oo uu caddeeyay in aan ilaa iminka loo gudbin Golaha Wakiillada oo dastuurku dhigayo in heshiis kasta oo xukuumaddu cid la gasho aan lagu dhaqmi karayn ilaa ay ansixiyaan.

Md. Qaasim waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isagoo daba socday eedaymo ay guddiga degaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Wakiilladu ku dureen heshiisyada wasaaraddiisu la gashay shirkadaha ajnebiga ah ee la xidhiidha sahanka baadhista shidaalka dalka Somaliland, isagoo eedaymaha ku saabsan heshiisyada aan la horgeyn isaga riixay dhinaca golaha xukuumadda oo uu guddoomiye u yahay madaxwayne Rayaale, waxaannu sheegay inuu heshiisyada u gudbiyey si ay u ansixiyaan, balse aannu ogayn sida Golaha xukuumaddu ka yeelay.

Wasiirka oo suxufiyiintu weydiiyeen su’aalo kala duwan oo la xidhiidha eedaymaha musuq-maasuq ee loo soo jeediyey iyo heshiisyada wasaaraddiisu la gashay shirkadaha shisheeye, ayaa ka muquurtay inuu jawaabo sax ah oo lagu qanco ka bixiyo weydiimaha warfidiyeennada.

Ugu horreyn Wasiir Qaasim oo sharraxaad kooban ka bixinayey ujeeddada uu u qabtay shirkiisa jaraa’id, waxa uu yidhi; “Joornallada waxa maanta [shalay] ku qoran waxyaabo fara badan [eedaymo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha loo soo jeediyey] rag badan oo idinka [saxaafadda] idinka mid ahina way i hareero yaacayeen, markaa inaad su’aalo i waydiisaan ayaan idiinku yeedhay.”

Hordhaca kooban ee uu Wasiirku saxaafadda siiyey ka bacdi su’aalihii laga waydiiyey eedaymaha uu Md. Siciid Maxamed Cilmi u soo jeediyey wasaaradiisa iyo jawaabihii uu ka bixiyeyba waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Waxa jira wasiir in mudane ka mid ah guddiga degaanka iyo khayraadka dabaciiga ah ee Wakiilladu uu eedaymo badan u soo jeediyey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, eedaymahaas maxaa ka jira?

Jawaab: Horta runtii waxaan ka xumahay in masuuliyiinta qaranku warbaahinata ku yooyootanto ama fariimaha la isku dirayo saxaafadda la isku mariyo, xildhibaanka haddii aan in yar ku laabto, maalin dhawayd ayuu waraaq ii soo qoray, anigayna toos iigu socotay, nuxurkeeduna wax qurux badan buu ahaa, shalayna joornaallada ayey ku taal, warqaddaasna gebagebadeedu waxay ahayd waxaannu idinka doonaynaa in aad noo soo gudbisaan wixii aad qabateen, waanna wax masuuliyiinta qaranku inay istidhaahdo ay tahay. Saacadii la ii dhiibay aniga oo aan warqadii akhriyin ayuu haddana shir-jaraa’id qabtay, warqadii uu ii soo qoray jawaabteedii baan siiyey erayada uu adeegsadayna maan jeclaysan af-ingiriisii bayna ku qornayd. Subaxii dambena guddiga joogta ah ee Wakiillada ayaa noo yeedhay, noo warama ayey yidhaaheen, waannu u warranay, iyaguna waxay ku xumaayeen wixii wasaaradda iyo xildhibaanku isugu jawaabeen, mar kalena waxa uu haddana qabtay shir-jaraa’id oo uu wasaaradda wax kaga sheegayo, wasaarado kalena ku taataabanayo.

Markaa runtii ma garanayo waxa ku kellifay iyo sababaha keenayba, waana arrin aanan anigu jeclaysan.

S: Heshiisyada aad hawlaha shidaal-baadhista kula gashay shirkadda ajaanibka ah, bal ka waran, maxaase Golaha Baarlamaanka ilaa iminka u hor geyn waydeen?

J: Horta qaran baynu nahay oo ma nihin xaafado is-dhexyaacaya, dawlad baynanu nahay, marka arrintu ay sharci noqotana sharcigu waxa uu leeyahay qaabkiisa iyo nidaamkiisa, haddii ay noqoto wasaaraddu maxay heshiisyadaa u keeni wayday, waxay ila tahay xildhibaanka wax badan baa ka khaldan, wasaaradduna golayaasha ma geyso shuruucda, golayaashuna hadday yihiin Guurtida iyo Wakiilladu waxay xaq ugu leeyihiin wasaaradaha ay noo xogwarrama yidhaahdaan, wixii sharci ah marka la diyaariyo golaha xukuumadda ayaanu annagu gaynaa, golaha xukuumadduna markuu ansixiyo ayaa la gudbiyaa, sharcigana cid diidi kartaa ma jirto.

S: Markaa wali heshiisyadan aad shirkadaha ajaanibka ah la gasheen Golaah Wasiirrada ma u gudbiseen, maxayse ka ydhaahdeen?

J: Haa, heshiisyada shirkadaha Golaha Wasiirrada waannu u gudbinay, wixii ay ka yidhaadeena iyaaga og.

S: Wasiir shirkad ajaanib ah oo la yidhaa TGS-Nopec ayaa dhawaan dalka ka samaysay sahan dhinaca shidaalka ah, arrintaasi halkay ku dambaysay?

J: Maaha markii koobaad, markii labaadna maaha ee sahanka la sameeyo iyada oo qoraal ah oo maab ah oo fidiyow ah intaba waannu haynaa.

S: Waxa uu xildhibaanku si gaar ah adiga kuugu eedeeyey in heshiisyada shiradaha laga qaado lacago badan oo malaayiin dollar gaadhay, lacagahaasna aad adigu si gaara jeebadaha ugu shubatay, arrintaa maxaad ka odhanaysaa?

J: Mid qudha ayaan ka odhanayaa waa been ee isagu ha soo caddeeyo.

S: Wasiir heshiisyada xukuumadda aad ka tirsan tahay la gashay shirkadaha ajaanibka ah, waa maxay sababaha ka hortaagan in Baarlamaanka loo gudbiyo, miyaanay dastuurka qaranka oo la jabiyey ahayn?

J: Horta fikirkaa adiga kulama qabo, dastuur la jabiyeyna uma arko, haddii qaab dawladeed aynu doonayno in aynu isticmaalno sharciga ciddina kama wayna. Dastuurku waxa uu tilmaamayo in la raacana waa waajib ah, laakiin inta aan ogahay masuulkana ka ahayd hawlaha aannu wadno ilaa ay bislaadaan annagu waxaannu qabnaa in cid kale loo gudbiyo, marka ay bislaadaan cid walba kaalinta ay ku leedahay in aannu u gudbino.

S: Waxyaabaha xildhibaanku idinku eedeeyey waxa ka mid ah in iibinta xogta shirkadda TGS-Nopec ka ururisay Somaliland ay ka soo xaroonayso 80 ilaa 110 milyan dollar oo aan la qaranaya sidee lacagtaa loo maamulayo, arrintaa warbixin naga sii?

J: Horta lacagtaa ninkii og baa sheegi, laakiin meesha khaladku ka jiro aan idiin sheego inay aqoon-darro tahay iyo inay badheedh tahayba aanan garanayn. Shirkadda TGS-Nopec dalkeena markaanu macluumaadka raadinaynay shirkadihii aannu la kulanay waliba way diiday, inay sahan inoo qaado, shirkadda kaliya ee ku dhiiratay inay khatarta tuurta u ridato weeye, innaga shilin dawladdeena inagagama baxayo, lacagtooda ayey isticmaalayeen oo waa dhab, lacagtoodu waxay ku helayaan waxa weeye oo aannu kula heshiinay 10 sannadood xogta ay dalka ka soo ururiyeen inay iyagu inoo hayaan, inta suuqa xogtaasi gelayso oo waliba iyagu suuqa galiyaan oo iibiyaan, ganacsiga iyo faa’iidadaduna halkaasu iyaga ugu jiraa, laakiin lacagta ka soo baxaysa anigu ma garanayo. Hadduuse isagu [Md. Siciid Maxamed Cilmi] ogyahay ha inoo sheego.

S: Wasiir Heshiiska ma waxaad u taqaanaan waxa adiga iyo shirkaduhu wada saxeexataan, mise ka sharciyadiisii oo dhan maray golayaashu ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexo?

J: Heshiis maxa ala yidhaahdaa? Afka soomaalga heshiis waxa la yidhaahdaa marka laba qof ama laba qaybood wax ku heshiiyaan. Markaa heshiis sida aad u fasirataan ma aqoone waxa la yidhaahdaa waxa alla waxa laba qaybood isku afgartaan. Dastuurkeenana af soomaali buu ku qoran yahay oo heshiis baa ku yaal.

S: Waxa la idinku eedeeyey in wasaaradiinu door ku leedahay sun lagu daayey xeebaha Somaliland dad badana wax ku noqdeen bal arrimahaas nooga waran?

J: Arrinta suntu waa mid aad u adag, dadku malaha sunta siday u yaqaanaan ma garanayo, anigu waxaan u haystaa arrin khatar ah oo cidda samaysaana ay tahay qayrul-masuulnimo badda kalluunka ku jira, haddii la sumeeyo adduunka nin nool oo ka badbaadayaa ma jiro, xabbada kalluunka ah ee xeebteena ku jirta haddii la sumeeyo waxay tagaysaa adduunka halka ugu dambaysa, taasina waa arrinta sharciga iyo nidaamka loogu samaystay.

Runtii anigu arrintaa mid sahlan uma arko, laakiin marka qof masuul ahi leeyahay sun baa lagu daadiyey xeebteena wax sahlan ma noqonayso, waanna wax u baahan dabagalkeeda iyo sharci raadinteeda, arrinta sahanka baddana waxa ka wada shaqaynayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Kalluumaysiga, ciidanka illaalada xeebaha, markabka labada biloo baddeena ku jriay cidankeena qaranka saarnaa oo aan maalina ka soo degin, iyada oo fiidiyowna waan diin keenaynaa, markaa ciidankeena markabka saarnaa in la yidhaahdo qashin bay badda ku gureen ninka yidhaa ha ku soo caddeeyo wax lagaga hadhayana ma noqonayso.

S: Wasiir waxa uu xildhibaanku sheegay in shirkadda Ophir-energy oo aad heshiis kula jirtaan ay idin ballanqaaday inay sannadkasta idin siiso lacag ku dhaw ilaa $100 kun oo dollar oo loogu talogalay tayeynta Wasaaradda, lacagtaasna si loo isticmaalo aan la aqoon, arrintaas ma jirtaa?

J: Horta ayaan-darradu waxa weeye qofku waxa uu doono wuu sheegi karaa hadduu heshiisku hayana idin tuso, hadduu cid kale war ka soo qaadayna ha sheego, laakiin hadduu qofku wax iska yidhaahdo yooyoootan bay noqonaysaa oo in aan ka jawaabo maaha.

JOK Source





 
 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact