|
UNHCR oo Heshiis Daryeelka
Qaxootiga ah la Saxeexatay Liibaya iyo Saamaynta Muhaajiriin
Somaliland |
|
|
Tripoli (Tehran Times )-DSN Hay’adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan qaxootiga ee UNCHR, ayaa dhawaan heshiis la
saxeexatay saddex hay’adood oo ku sugan dalka Liibaya, kaas oo
la xidhiidha sidii loo daryeeli lahaa dadka qaxootiga iyo
magangelyo doonka ah ee jooga dalkaas.
Sidaana waxa caddeeyey Mr. Erika Feller oo ah masuulka ugu
sarreeya UNCHR daryeelka qaxootiga, isaga oo xusay in
tallaabadani gacan ka gaysan doonto dadka qaxootiga iyo
magangelyo-doonka ah ee jooga dalka Liibiya sidii wax loogu
qaban lahaa, kuwaas oo ay ku jiraan dad badan oo reer
Somaliland ahi.
“Heshiiskan xaqiiqadii waa tallaabo dhinaca fiican loo qaaday,
waxaannu dhammaaday bishii June ee sannadkan, iyada oo la isla
gaadhay gacan qabashada qaxootiga Liibiya jooga,” ayuu yidhi
Erika Feller oo saxaafadda u warramayey.
Iyaga oo heshiiskan fulintiisa ay dawladda Liibiya gacan ka
gaysan doonto, waxa ka mida hay’adaha UNCHR heshiiska la
gaadhay ururka caalamiga ah ee gargaarka, daryeelka iyo
nabadgelyada ee loo soo gaabiyo IOPCR, machadka caalamiga ah
ee horumarinta siyaasadda qaxootiga ee ICMPD iyo Golaha
qaxoontiga dalka Talyaaniga CIR, kuwaas oo dhammaatood ku
shaqo leh arrimaha qaxootiga.
“Inkasta oo ay kala duwan yihiin qaxoontiga iyo
magangelyo-doonku una baahn yihiin daryeel kale duwan,
iskaashiga in kordhaya ee dawladda Liibiya iyo UNCHR iyo
heshiiskan hay’aduhuba waa tallaabo horumar leh oo loo qaaday
kor-u-qaadista daryeelkoodu,” ayuu ku daray hadalkiisii Mr.
Feller.
Arrimahan waxay ka mid yihiin sida masuuliyiintu sheegeen
todobka qodo ee wax-ka-qabashada daryeelka qaxootiga oo qorshe
hawleedka ugu jira UNCHR, kuwaas oo xoogga lagu saarayo
meelaha dadka baahani ku badan yihiin. Waxaannu heshiiskan
oggolaanaya in dawladda Liibiya aqbasho daryeelka caalamiga ah
ee qaxootiga, isla markaana tixgeliso xeerarka qaxootiga iyo
xuquuqal-insaanka.
Waxa hadda ku sugan waddanka Liibiya ilaa sagal kun qof oo ay
ugu badan yihiin Ciraaqiyiinta iyo Falastiiyiintu, sida oo
kale waxa Liibiya jooga qaxooti iyo magangelyo-raadis kasoo
jeeda dalalka Somaliland, Eritrea, Sudan, Liibiya, Sieraleone,
Somalia, Congo, kuwaas oo intooda badan ku darayeysan yihiin
dalkaas halka qaar badanina xabsiyada ku jiraan, inkasta oo
toddobaadkan dad isugu jira reer Somaliland iyo Somalia laga
siidaayey xabsiyada Liibiya.
JOL source
|
|
|
|
|
| |
|