Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

 Siyaasad xumada dhaqaalaha iyo cabashada shacabka

Faalo:

08.07.08 Dalkasomaliland.com

Waxaa hubaal ah in shacabka Somaliland ay haraad u qabaan is bedel siyaasadeed oo ka dhaca wadankooda,kadib abaaro,faqri ay shaqo la,aani ugu horayso iyo cadaalad daro ay ka tabanayaan shacabku xaga garsoorka iyaa ah inta ugu hadalhayn badan bulshada dhexdeeda

Shacabka Somaliland dulqaad dheer kadib waxa ay ka rajo dhigeen inay siyaasiyiintoodu ka hadlaan sidii siyaasada dhaqaalaha ku salaysan wax uga qaban lahaayeen.Sobobtoo ah waxa dadku isweydiinayaan sobobta keentay in Somaliland wax uun laga iibiyo,iyadase loo diiday in wax laga iibsado.Muwaadinka Maxamud xaaji waa nin ganacsade ah oo degan Hargeisa owaxa uu inoo faafaahinayaa dhibta haysata ganacsatada Somaliland.

 

Maxamud:Walaal waxaan soo dejiyaa alaabta bagaashka ,waxaan keenaa Hargeisa,kadibna waxaan uqaybinaa dukaanada,waxna waxaa naga iibsada wadamada jaarka sida dad ka yimaada Ethiopia.Dadkani waxa aan leenahay xidhiidh ganacsi wax lacag cash ah bay ku bixiyaan inta kalena waqti iyaan ka sugnaa.Hadaba waxaa dhacday in dawladii Ethiopia ay xuduudeedii ay ku qabatay ganacsato anaga xoolo naga qaadatay xoolohooogiina lagala wareegay.markaasi walaal markasta way dhacdaa taasi dhaliishana waxaan saaraynaa dawladani dhulka maamulaysa oo aan marnaba ka hadlin danta muwaadiniinteeda.

 

Somaliland beero khudrada ah bay leedahay siiba kuwa gobolada galbeedka oo ay kasoo go,aan waxkasta oo ku filan dalka,hadana waxaa Ethiopia kaga soo faruurmay khudrad aan qiyaasteeda loo meel dhigin taasina waxa ay niyad jab iyo suuq xumo ku riday beeralaydii iyo shacabkii ku dhiiran lahaa inay dhaqaale sameeyaan oo ay dhulkoodiii waxka qabsadaan.

 

Waxaan layaaabanahay wali maamulkani Somaliland ka jiraayi waxa uu uga hadli laayahay iyuu ku kusoo gabagabeeyay ganacsade Maxamud haji.

 

Hadaba sida aynu wada ogsoonahay dhibaato kuma yara suuqyada ganacsiga ee Somaliland intaasi iyo inka badan iyaa jira ooo looga baahnaa in isbedel waafiya ay ku samayso dawladu,lana xisaabtanto wadamada jaarka ah,waxa uga yimaada iyo waxa ay Soamliland u dhoofisaba,Dawlada waxaa waajibku ah in ay cashuur adag saarto jaadka oo aan faa,iido ugu fadhiyin jeebka iyo caafimaadka shacabkeedaba.

Lana timaado siyaasad ay ku abuurayso fursado ay dhalin yartu ugu hirtaan inay joogaan dalkooda oo ay wax soo saar u dhaqaaqaan,loona joojiyo tahriibta iyo bada dhalinyaradu isku gurayso.

Hadaba akhristoow wali mahayno siyaasi mucaarid iyo muxaafid ah oo ka hadlayaa cilaaqaadka ganacsi ee dhanka u janjeedha ee Ethiopia ay la leedahay Somaliland,waxaana hubaal ah in shacabku ka gaban doonin hada laga bilaabo cadaaladarada xaga xidhiidhka dhaqaalaha ee hawlgabka ka dhigay shacabkii Somaliland,siina jiri mayso afduub looga qaado lacag kaash ah wadanka looguna badilo wax macno weyn ugu fadhiyin danta umada.

Dalkasomaliland.com

dalkasomaliland@gmail.com

 

 

 

 

 







 
 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact