|
Faysal Cali-waraabe oo
Daboolka ka Qaaday in aan Rayaale Masuul ka ahayn Keenistii
Riigga Shaqaaqadu ka Dhacday |
|
|
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID
Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay daboolka
ka qaaday in aan Madaxweyne Rayaale masuul ka ahayn keenistii
riigga shaqaaqadu ka dhacday, isla markaana aanay
sheegashadiisa waxba ka jiin, balse uu yahay mid maalqabeen
Carbeed waqfi ugu soo diray Somaliland si uu dalka uga qodo
ceelal biyood, kadibna qaadan doono marka uu hawshaas
dhammaystiro.
Sidaana waxa uu ku sheegay Eng. Faysal Cali-waraabe waraysi
khaas ah oo Jamhuuriya xafiiskiisa ku siiyey shalay, kaas oo
wax lagaga weydiiyey dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin
mudaharaadyadii dadku ku dhinteen ee Isniintii toddobaadkii
hore ka dhacay caasimadda Hargeysa, halka ay marayso xallinta
mashaqadaas, kaalintii xisbigiisu ka qaatay dejinteeda, sida
uu u arko hadalladii Madaxweynaha Somaliland ka yidhi
dhacdadaas, dhaliilishii uu u jeediyey safarkii Rayaale iyo
hoggaamiyaha Jabuuti iyo arrimo kale.
Md. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in hadda heshiis lagu
gaadhay in riiggu tago Gabiley oo uu ka qodayo ceel biyood
inta la helayo alaabka ka maqan ceelka uu koonfurta Hargeysa
ka qodayey ee shaqaaqadu ka dhacday, isla markaana dadweynaha
arrintaa ka gadooday la siiyey dammaanad adag oo loogu
ballanqaaday in riigga dib loogu celinayo marka la keeno
alaabta ka maqan si uu u dhammaystiro.
Waxa kale oo Guddoomiyaha UCID sheegay in maamulkii dalku
gacanta u galay koox tiro yar
Waraysigaas oo ahaa mid aad u dheer oo uu faahfaahin kaga
bixiyey su’aalo dhinacyo kala duwan taabanaya waxa uu u dhacay
sidan:
Su’aal: Guddoomiye; ugu horreyn bal faahfaahin naga sii halka
ay marayso xaaladda mashaqadii dhimashada iyo dhaawaca keentay
ee Isniintii toddobaadkii hore ka dhacday caasimadda Hargeysa?
Jawaab: Horta arrintan oo kalaa dhici lahayn, dalka waxa ka
jira dhibaatooyin badan oo isbiirsaday, maciishadii baa
qaaliyowday, shidaalkii baa kacay, dhallinyaradii ayaa badatay,
kuwaas oo aanay u muuqan wax rajo ah. Waxaannu aad ugu
mahadnaqaynaa Sheekh Xaamud [Sheekha riigga Somaliland ku
caawiyey], kaas oo u keenay riigga sadaqo ahaan. Saddex riig
ayuu abbaahii uga dhintay Sheekhan, markaa badankooda dadka
ayuu ku caawiyaa, innagana inama siin ee wuu inagu caawinayaa
oo ceelal buu inoo qodayaan, dawladdana wuu ka madaxbannaan
yahay oo kharashkiisa iyo sahankiisaba dad buu u soo
xilsaartay. Waxaana riiggaas ugu horreyn nasiib u helay
koonfurta magaalada Hargeysa.
ceelkii ugu horreeyey isagu wuu biyo yaraaday, kan dambena
cillad baa ku timi, laakiin ingeneeradu waxay caddeeyeen in
ceelka labaad biyo leeyahay, markaa qalabkii uu u baahnaa
riiggu ayaan gacanta lagu hayn. Ingeneerkii gacanta ku hayey
Suudaan ayuu ku maqnaa, markaa nimankii farsamoyaqaannada ahaa
waxay ina moodayaan dad dhisan oo is-aaminsan, waxayna damceen
intii ay halkan fadhi lahaayeen in ay ceel kale ka soo qodaan
Gebilay agteeda, Boorama-na waa been in riigga loo waday,
laakiin dawladdu riigga oo aanay shaqo ku lahayn ayey doonatay
oo isku dhejisay, si loo yidhaahdo dawladda ayaa keentay,
dadkiina markay maqleen riiggii baa la rarayaa way gadoodeen,
sidaas baanay u dhacday arrintaasi.
Runtii dadku inay dareenkooda muujiyaan waa xaq, Isniintii
dhawaydna dawladdu dadkii gadoodsanaa si xun bay ula dhaqantay,
waxaanay u isticmaashay qoryahay lidka diyaaraha, waanuna ka
xunahay ayaan-darraa dhacday, waxaanuna ka tacsiyadaynaynaa
dadkii carruurtoodu ku dhimatay shaqaaqadaas, taasna waxa ka
masuul ah dawladda oo aan eegin dadka dhibaatadiisa, oo aan
eegin martidii inala joogtay, Madaxweynuhuna wuu xallin
karayey arrintaas, waxa keliya oo ay ahayd in uu Idaacadda
kala hadlo oo uu yidhaa lama qaadayo ee wuu soo noqonayaa.
Waxaannu jecelnahay in la sameeyo guddi madaxbannaan oo baadha
siday wax u dhaceen, lana caddeeyo sababta dadka loo laayey,
haddii dawladdu wax ka qaban waydana annagaa wax ka qaban
haddii Alle yidhaa.
Markii shaqaaqadaasi dhacday annagu UCID ahaan ayaan u tagnay
dadkii, waxaanuna u sheegnay in laga gardarran yahay oo aannu
dilku meesha qaban, in bini’aadam cawday oo yidhi wax baan
tabanayaa in xabbad lagu dilo waa xaaraan.
S: Kolley dadkii gadoodsanaa wax baad u sheegteen markii aad
kala dareerinayseen, markaa UCID ahaan maxaad dadkaa u
dammaanad qaadeen oo aad ku kala dareeriseen?
J: Horta maalintii shaqaaqadu dhacday ayey beeshu shirtay oo
ay toddoba qof oo isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad loo
diray Madaxweynaha, wuuna qanciyey Rayaale dadkaa loo diray,
haddana waad maqlayseen Madaxweynuhu wuxuu BBC-da ka lahaa,
dadkiina hadalkiisaa waabay ka sii xanaaqeen. UCID ahaan
waxaannu dadka ku nidhi, dadka ha iska eryin, magaaladiinana
ha iska xumaynina, nabadgelyadana inoo dhawra, riigga
arrintiisana waa la galayaa. Sidaas ayaanu dadkii annagu ku
nidhi.
S: Guddoomiye; adigu waxaad tidhi riiggan waa la innagu
caawiyey, xukuumadduna waxay tidhi annagaa keenay oo la inagu
caawiyey, laakiin waxa la leeyahay riiggan lama siin
Somaliland ee ilaa Suudaan ayuu ka shaqanayaa?
J: Mashruuca riiggani waxa weeyaan in uu inoo qodo 12 ilaa 16
ceel, waxaannu leeyahay Madaxweyne Rayaale annagaa keenay,
waxba kama jiraan arrintaas, isaguna muu keenin riigga oo
arrintan Sheekhaa hore uga soo shaqeeyey. Markaa riiggu waa
inagu ammaano ceelal buu inoo qodayaa oo magaalooyinka ayeynu
ahmiyadda koowaad siinaynaa oo ay baahi biyo la’aani ka jirto.
Hadduu Daahir Rayaale biyo keenayo ceelkii Shiinuhu qoday ee
uu ugu talogalay dadka reer Boorama inay ka cabbaan sawka
beertiisa ku waraabiya, markaa Rayaale maaha qof biyo keenaya.
S: Guddoomiye; Madaxweynaha laftiisu qayb buu ka qaatay
keenista riigga oo waakii tagay dalka Imaaraadka, markaa ma
waxaad leedahay wax shaqo ah kuma laha arrinta keenista riigga?
J: Bal Madaxweynaha waxaad waydiinsaan 80 kun tan oo raashin
ah baa la socday riigga halka uu geeyey? Anigu waan ogaa
markii la soo rarayey riiggana shaqo kuma leh Rayaale, hay’ad
baana gacanta ku haysa.
S: Iminka waxa soo baxaya warar sheegaya in riigga lagu
heshiiyey in la qaado oo halkii loo waday la geeyo, arrintaasi
ma jirtaa?
J: Marna in riigga la qaado lama diidanayn oo Somaliland oo
dhan ayuu u shaqaynayaa, dadkana waxay ahayd in loo caddeeyo
inuu soo noqonayo, taasna waa laga heshiiyey oo dadweynaha
waxa la siiyey dammaanad buuxda inuu riiggu soo noqonayo marka
alaabta ka maqan loo keeno ceelka koonfurta Hargeysa, intii uu
fadhiyi lahaana waa in laga faa’iidaysto.
S: Arrintani markii ay dhacday waxa la wada sugayey hadalka
Madaxweynaha, markuu hadlayna wuxuu eedda dadkii cabanayey,
xisbi ahaan arrintaa sideed u aragtaan?
J: Arrintaa Madaxweynahaa xumeeyey, cid soo abaabushay oo ka
dambaysaana ma jirto, waxaana jirtay mar uu Sulkaanku [Sul.
Maxamed Sul. Cabdiqaadir] la hadlay Madaxweynaha oo uu ku
yidhi waxaan doonayaa in aad arrintan ka hadasho oo aad
dejisaan, waxaannu Madaxweynuhu ugu jawaabay haddii ay
dadkaasi kala tagi waayaan ilaa 2:30 maalinimo ciidamo ayaan u
dalban doonaa, taasna wuu kaga dhabeeyey oo ciidamo ayuu u soo
diray 2:30-kii, markaa Rayaale ayaa arrinta xumeeyey cid
kalena kamay dambayn.
Masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB ayaa yidhi, Guddoomiyaha
UCID ayaa sheegay in ay mudaharaadka dambeeyeen cadowga
Somaliland ee kala jooga Muqdisho iyo Asmara. Arrintaasi waa
been aan waxba ka jirin, waxaanan leeyahay mudaharaadka iyo
khasaaraha ka dhashayba waxa ka dambeeyey oo ka masuul ah
xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB.
S: Guddoomiye; waxay jiray mudaharaadyo hore u dhacay sida kii
dhakhtarka Hargeysa iyo kuwo kaleba, markaa mar walba way soo
noqnoqdaan mudaharaadadaasi, waxaana la yidhaa khasaaraha ka
dhasha guddi baa loo xilsaaray, laakiin waxay guddigaasi soo
bandhigto ma jiro, markaa maxaad u malaynaysaa dadka dambiyada
noocan oo kale gala, sidee baa xal loogu heli karaa arrimaha
noocan ah?
J: Marka guddi la samaynayo waa inuu ka koobnaadaa mucaarad
iyo muxaafadba, kadibna baadhista guddigaas dadka ayaa la
hordhigayaa si ay wax uga ogaadaan. Waxa hore u jirtay in la
yidhaa guddi baa la samaynayaa kadibna guddigaa la waayo,
markaa dooranka waxaannu doonaynaa in arrintu noqoto mid ay ka
wada qaybgalaan Baarlamanka, mucaaradka iyo dadweynaha
laftoodu, kadibna natiijayada baadhistooda u soo bandhigaan
shacbiga oo iyagu garsoor ka noqdaan, cidda fulinteeda laga
doonayaana ay noqoto mid la wada ogyahay oo aannu wax mugdi
ahi ku jirin. Nasiib-darrada u weyn ee maanta ina haysataa
waxa weeye, dadkii aynu awoodda u dhiibanay oo garanwaayey
waajibaadkoodii, Guurtidu awooddoodii may garan,
Baarlamaankuna awooddiisii muu garan, Wasaaradda Macdanta iyo
Biyuhuna waxa la leeyahay ilaa maanta heshiisyadii la gasheen
shirkadda TGS horkeena Baarlamaanka. Waxa uu Wasiirku leeyahay
[Wasiirka Macdanta iyo Biyaha] shirkadda TGS, ayaa toban sanno
hawlaha macdanta ka wadaysa dalka, ma xoolahayaga ayaa toban
sanno la haysanayaa, arrintaana waa in guddi madaxbannaan oo
dawli ah loo sameeyaa, waxanina waa hantidii dalka, markaa
sida uu sheegay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, lacagta lagu
iibinayo macluumaadka sahantii baadhista macdanta malayiin
Dollar, waxaana waajib ah in lacagtaasi dawladda soo gasho,
waxaanad moodaa in khayraadka dalka qoys ama laba qoys oo keli
ahi ka faa’iidaysanayaa.
Iminka waxaad mooddaa inuu maamulkii dalku gacanta u galay
qoys kooban oo aan weliba firfircoonayn, waxana meesha ka
baxay talo-wadaaggii oo waydinkaa arkaya markii Madaxweynuhu
ka adkaaday golayaashii xeer-dejinta ee la wadaagi lahaa
talada dalka inuu la murmaryo dhallinyarada iyo dadweynaha,
taasina waa ayaan-darro weyn oo innagu dhacday.
S: Golaha Wakiillada shaqadoodu waa sharci-dejin ay tahay in
ay xukuumadda heshiisyada ka dalbadaan, markaa sow ma aragtid
in Golihii Wakiilladu aannu shaqaynayn oo Golaha Guurtidu uu
dhaamo?
J: Runtii labada gole maaha kuwo firfircoon shaqadoodiina way
ka gaabiyeen, waxana loo baahan yahay doorasho kale iyo dad
waxqabad leh, waxaanan rajaynayaa in ay dalka ka dhici doonto
doorasho xor iyo xalaal ah, waayo doorashooyinka waxa
ilaashanaya oo dusha kala soconaya deeqbixiyeyaasha caalamiga
ah oo 75% bixinaya dhaqaalaha ku baxaya, balse isweydiintu
waxay tahay mar haddii dadkii xilka inoo hayey gabeen
hawshoodii sidee baynu ku gaadhi karnaa 29ka March 2009,
waqtigaas oo loo qoondeeyey in ay dalka ka dhacdo doorashada
Madaxweynuhu.
S: Faysal; berigii dhaweyd dadku way ka hadleen arrintii
Jabuuti iyo heshiiyadii ay dawladeenu la gashay Jabuuti, waxa
jiray mar aanay labada dawladdood isku wanaagsanayn oo aad
adigu tagtay, markaa Ismaaciil Cumar Geelle waad ammaantay oo
mashiino ayuu inoogu ballanqaaday ayaad tidhi, maalintii
dhaweydna waad dhaleecaysay heshiiskii, bal labadaa hadal isku
kaayo waafaji?
J: Anigu waan tagay Jabuuti 2004-dii, si xidhiidhka dhexdeena
aynu u hagaajino oo aynu wadahadalno ayaan doonayey, sidaas
baanan ugu tagay, iyaguna si fiican bay ii qaabileen
Ismaaciil-na waanu is-aragnay, waxaanan ku idhi xidhiidhkeena
aynu hagaajisano, markaasuu igu yidhi, Jabuuti ahaan waxa inoo
dan ah Soomaaliya midaysan, kuwaas oo nalagaga biqi jiray,
anna waxaan ku idhi annaga ayey na jirtaa in aannu kala noqono
waqooyi iyo koonfur, shirka Mbegathi ka socdana xubno naga
socdaa kama qaybgalayaan mana jeclaysan doono. Anigu markaa
Jabuuti maan ammaanin, weligeen inamay jeclayn oo ilaa iyo
halgankii way inagga soo horjeeday, inamana jecla, waad
garanaysaan 1994-kii markii aynu inagu islaynaynay marka
keliya Jabuuti may odhan isdaaya.
S: Ugu dambayntii maxaad kula talinaysaa Madaxweynaha?
J: Waxaan kula talinayaa oo aan Madaxweynaha leeyahay waxa
wasiiradaadu kuu sheegayaan waa been, waddankan aynu taladiisa
wadaagno oo aynu waxa dhexdeena soo gala si nabadgelyo ku
jirto ku dhammayno, waa ayaan-darro ayaan leeyahay in aynu
riig yar isku qabsano, sidaas baan kula talinayaa. Aniga
Madaxweynaha, wasiirradiisa iyo ragga ku jira UDUB oo dhan
wada saaxiib baannu nahay, balse haddana mar qudha ka dayn
mayno in aannu sheegno dhaliilaha jira. Waxana jirta qofka
xilkiisa ku fashilma haddii la yidhaahdo waad qaawan tahay ee
marada hagaajiso in uu xanaaqo oo markiiba isla soo taago
isdifaac oo yidhaahdo, ma anigaa qaawan iyo ma qaawani,
waxaasna waxa keenaya fashilaadda masuuliyadda uu hayo.
|
|
|
|
|
| |
|