Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

   Warshadda Furshaanta ee Al-Kheyraad oo mar Labaad Gubatay

Hargeysa (DSN) Warshada furshaanta ee Al kheyraad ayaa shallay gelinkii danbe abaaro 5:00 uu dab qabsaday kaasi oo soo gaadhsiiyay khasaare aan ilaa imika la garanayn inta uu le’eg yahay. Dabkan warshada qabsaday ayaa ku soo beegmay wakhti ay shaqaalaha warshada badankoodu ay ka rawaxeen. Qaar ka mid ah shaqaalaha oo aanu halkaasi kula kulanay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin naga siiyaan sababta dabka dhalisay. Dhinaca kale, Taliyaha ku xigeenka rugta Police-ka xaafada Max’ed Mooge ee Caasimada Hargeysa Cabdi Cumar Askar, oo aanu halkaasi kula kulanay ayaa sheegay in ay wali baadhayaan sababta dabka dhalisay. Khasaaraha warshada soo gaadhay ayaa ah: Jiingadii sare ee dhismaha oo gabi ahaanba gubatay iyo agab tiro badan oo hoos yaalay oo iyaguna gubtay. Hasa yeeshee, khasaaraha dhabta ah ilaa imika lama oga.

Waxa ka qayb qaatay bakhtiinta warshada Booyadaha Biyaha ee Xaafada Max’ed Mooge oo warshadu ay ku taalo, Dadwaynaha xaafadaasi degen iyo askarta rugta police-ka ee xaafadaasi. Ilaa imika lama oga sababta dhabta ah ee dhalisay khasaaraha warshada.

Waa markii labaad ee warshadaasi uu dab qabsado tan iyo mudadii ay jirtay, iyada oo markii hore oo ku beegnayd sanadkii hore, khasaaraha dab ee soo gaadhay uu ahaa mid dhulka la simay gabi ahaanba wixii agab warshada yaalay taasina ay sababtay In warshada uu soo gaadho khasaare laxaad leh oo ay baaxadiisu aad u wayn tahay.




 
 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact