|
|
|
|
Riiggii Rabshadaha
Dhaliyey oo Gaadhay Gabilay |
|
|
Hargeysa DSN Riigii biyaha ka qodayay koonfurta Hargeysa
ee la isku haystay ayaa shalay u kicitamay degmada Gabiley si
uu ceel ugu soo qodo degmadaasi. Riigan oo murankiisu sababay
dhimasho iyo dhaawac ayaa dadkii haystay ay xukuuumada ku
wareejiyeen shalay, waxaana isla shalay loo dhaqaajiya isla
dhinaca Gabiley halkaas oo la sheegay in xaflad loogu sameeyay
looguna wan-qalay ceelkaasi cusub. Mas’uuliyiinta xukuumada
Somaliland ayaa madax-dhaqameedyada iyo dadwaynaha ku nool
xaafadii mushkilada riigu ka dhacday u balan-qaaday inay dib u
soo celinayaan marka uu ceelka u yimaado qalabka ka dhimani.
Raiigaasi waxa wax hadalo ka jeediyey markii uu Gabilay
Gaadhay Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Dhoolayare, Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha iyo madax-dhaqameedyo
kala duwan , waxaanay dhamaantood ka warameen sida loogu
baahanyahay in danta guud ay Umadu wada leedahay la wada
ilaashado oo la iska ilaaliyo kuwa xun umada wax ugu sheegaya.
|
|
|
|
|
| |
|
|
|