|
|
|
|
Maamulka Somaliland oo
dowlada Jabuuti ugu deeqday afar kun oo xoolo Ari ah. |
|
|
Djiboit DSN Maamulka Soomaaliland ayaa 4 kun oo neef ugu
deeqay dowlada wadanka Jabuuti.
Xukuumada Soomaaliland ayaa deeq xoola ah ugu deeqday dalka
jamhuuriyada jabuuti waxaana ay deeqdaasi ay ka koobantahay 4
kun oo neef oo ari ah, waxaana maalintii shalay laga dhoofiyay
dekada magaalada Bar bara halkaasi oo uu ka qaaday marab lagu
magacaabo Xamsa kaas oo geyn doono wadanka jabuuti.
Labada kun ee kale ayaa waxaa maanta la filayaa in sidoo kale
laga raro dekada magaalada Ber bera,waxaana deeqdaan dowlada
wadanka Jabuuti guddoonsiin doona gudoomiyha rugta ganacsiga
Soomaaliland C/raxmaan faarax oo la sheegay in u hatan u kici
timay wadanka jabuuti.
Deeqdaan xoolaha ah ee maamulka Soomaaliland ay ugu deeqday
wadanka jabuuti ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay taageero
walaaltinimo oo Soomaaliland ay u fidinayso jabuuti,waxaana ay
arintaan ay ku soo aaday xili dhawaan Maamulka Puntland uu
sidaan oo kale deeq xoola ah ugu deeqay ciidamada difaaca
jamhuuriyada Jabuuti.
Deeqahaan is daba joogaa ayaa ka dambeeyay kadib dagaal gar
daro ah oo ay Eritrea ku soo qaaday wadanka Jabuuti,waxaana
dagaalkaasi kadib wadanka jabuuti booqasho ku tagay
madaxweynayaasha Soomaaliya,Puntland iyo midka Soomaaliland
waxaa ay si wada jir ah u cabiraayeen weerarkii ay Eritrea ku
qaaday wadan jabuuti.
|
|
|
|
|
| |
|
|
|