"Qiimaha iyo
Dhoofka Xoolaha Wasaaradda Xanaanada Xooluhu Xaq uma laha
ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga ayaa iska leh"
Hargaysa (Dsn) Agaasimaha
waaxda daaqa ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer
miyiga Axmed Diiriye ayaa ku eedeeyay labada wasaaraddood
ee xanaanada xoolaha iyo deegaanku tallaabada ay cawska ku
joojiyeen iyo dhoofka xoolaha ee loo xidhay ganacsade Al-Jaabiri
oo ganacsatada khasaare laxaad leh ku keenay cashuurtii
dalka iyo Xoolihii dalka, isaga oo cadeeyey in wasaaradda
xanaanada xooluhu aanay shaqo ku lahayn dhoofinta Xoolaha
balse ay qaabilsantahay caafimaadka iyo daryeelka Xoolaha.
Agaasimahu waxa uu sidaa ku sheegay
Waraysi gaar ah oo aanu la yeelanay, waxaanu sheegay
dhibaatada ugu wayn ee dhalisay mushkilada cawska iyo
kootarabaanintiisu inay tahay xoolaha loo xidhay Al
jaabiri taas oo dhalisay ganacsigii xooluhu inuu meelo
kala duwan ku tago kootarabaan ahaan, sidaasi darteedna ay
ku luntay cashuurtii dalka usoo xeroon lahayd, waxaanu
intaa ku daray digreetadii wasiirka deegaanku ku xayiray
cawsku inay tahay mushkilad kale, waxaanu sheegay cawska
iyo neefka inaanay marnaba kala maarmaynin, isaga oo soo
jeediyay in dib loo eego tallaabooyinkan ay labada
wasaaraddood ku tallaabsadeen oo uu ku tilmaamay inay
tahay mid halis ku keeni karta degenaanshaha dalka.
agaasimaha oo aanu waydiinay Waxa
jirtay mushkilad ka taagnayd daaqsintii yarayd ee dadka
reer Miyiga u soo baxday in ganacsi ahaan loo isticmaalayo,
dhawaana wasaaraddiinu waxay qabqabatay gaadiid cawskaasi
u dhoofinayay Jabuuti, hawlahaasi ilaa hadda halkay
marayaan?
waxa uu ku Jawaabay: "Arintaasi waa
arrin imika na hor-taala oo imika saacadan aanu joogno
arrin aanu u fadhinay bay ahayd, runtii waa la joojiyay,
wasaaradduna qoraal bay soo saartay, amar wasiirku soo
bixiyay baa jiray in la joojiyo, runtii sharciyan aanaan
isku waafaqsanayn oo aanu ku kala duwanayn, sababtuna ay
tahay hadii la joojinayo in istaraajiyad guud iyo qaabkii
loo joojin lahaa laga wada-hadlo oo si cad meel loo dhigo,
in la is waydiiyo sharciyan ma bannaan tahay cawskan
Saylac tegaya oo ma la joojin karaa ama Lawya-cado tegaya,
mise ma bannaana, sharcigu ma inoo ogol yahay mise inooma
ogola, waa waxyaabaha taagan. Runtii sharciga imika aan
anagu ku shaqayno ee 04/98, meel ay kaga taalaa ma jirto
inaan Saylac caws la gayn Karin, inaan Lawyacado la gayn
Karin meelna kagama taalo, in Berbera la geeyaa oo kaliyi
meelna kagama taalo, laakiin caqliyan markaad eegto cawska
baxaya iyadoo dalkeeniina aan aragno in abaaro inagu soo
noqnoqdaan, way qurux badan tahay in wixii la kaantaroolo
oo lagu fikiro bal xoolaheenii berito wixii ay ku baxsan
lahaayeen. Markaa mushkiladaa waxaan odhan karaa sababtu
waxa weeyi dhoofka xoolaha Jabuuti ha ku galo lug oo
sharci- darro ha ku tago, ama badda ha ka wareego,
caqabada na hor-taalaa ee meel aanu ka dhaafno la’nahay
waxa weeyi dad xoolo gaynaya Jabuuti oo xoolihii ay ku
cadilan yihiin Lawyacado, Saylac, Caasha-cado, Lug-haya
iyo Ceel-gaal oo xoolihii daadsan yihiin, sabab caws loogu
diidaa waxaad moodaa in aanay qurux badnayn. Cawskii wuxuu
daba-socdaa xoolihii, markaa lama xalin karo ilaa dariiqa
xoolaha ee Jabuuti mara wax laga bedelo oo siyaasada
dawladu wax ka bedesho ama wasaaradda xooluhu. Waxaad
moodaa in aan wax badan la bedeli Karin. Wasaaraddu way
joojisay laakiin cawskii muu joogsanoo wuu socdaa,
cashuurtiina halkaa way ku luntaa, cawskiina wuu socdaa
isagoon xad lahayn cidina kaantaroolin oo isagoon
Inniinyihii aan wali daadin oo qoyan ayaa cawskii la
qaadaa oo la geeyaa Jabuuti. Waa laba mushkiladood,
lacagtii oo kaa tagaysa, geedkii oo kaa dabar-go’aya.
Labada mushkiladoodba way inagu wada dhacayaan. Markaa
runtii arrintaasi waxaan filayaa inay arrin aad u qaldan
tahay, loona baahan yahay in si qaran looga doodo.
Cawskani awal ma jiri jirin, maxaa maanta Jabuuti geeyay,
waa in la is waydiiyaa dariiqan xoolaha ee Jabuuti marayaa
hadii uu sharci yahay, cawskuna waa sharci baan qabaa
shakhsiyan. Waxaan aaminsanahay inta ay xooluhu Jabuuti
tagayaan, ama lug ha ku tago ama markab, in cawskuna
tegayo sababtoo ah, qaniimada maanta kaliya ee lagu faani
karo ee aynu haysanaa waa xoolo, xoolihiibaa Jabuuti
tegaya, markaa ma jirto wado loo yidhaahdo caws ma tegi
karo, markaa anigu waxaan qabaa in si weyn loo gorfeeyo in
xoolaha laga duwo Jabuuti ama xoolaha laga dhigo wax
fasaxan oo qof walbaaba halka uu doono ka dhoofin karo,
markaa waxa weeyi dadku dee Berberay ka dhoofinayaan
laakiin mushkilada waxaan imika u aragnaa inay tahay
dekeda Berbera ee loo xidhay labada nin oo kaliya waxay
keentaa in xoolo-dhaqatadii oo dhan iyo ganacsatadii iyo
ninkii reer mi’yiga ahaa ee laba neef watayba inuu halkaa
ka wareejiyoo Lawya-cado geeyo. Runtii dhib badan wuu ku
qabaa, anagu wasaarad ahaan ma odhan karno Lawya-cado ama
Saylac lama geyn karo caws, Berberana waanu gaynaynaa.
Kolay mas’uuliyiintii iga saraysaa joojisay wixii qiil ay
u ahayaan iyagaa ka jawaabi doona laakiin anigu sharciyan
ma qabo in la yidhaahdo Berbera uun baa caws la geyn karaa,
Sayac lama gayn karo waa sharci darro, dawladuna waxay xaq
u leedahay xudduudka markuu ka gudbayo ee Lawya-cado oo
kale ka baxayo markaa lagu ganaaxo ama lagu xidhxidho oo
tallaabo laga qaado laakiin inta dalka gudihiis wax
marayaan oo xoolo baahan loo sido inay tacadi ku tahay in
laga joojiyo.
Mar uu Agaasimuhu ka jawaabayay
su,aal ku saabsanayd caws wasaaraddu hore u qabqabatay,
cida qabqabatay iyo halka cawskii ku dambeeyay waxa uu
yidhi " horta sharci baa wax fasaxa waxna joojiya,
sharciguna wuxuu ku dhaqan-galaa sifo gaar ah oo la
yaqaano, cawskan la soo qabqbtay cidda magaalada
gudaheedana la sheegay in laga soo qabtay ilaa hadda ma
cadayn karno inuu Berbera ku socday iyo inuu meel kale u
socday. Cawsku magaalada Hargeysa gudaheeda markuu joogo
dembi maaha, markuu xudduuda ka tallaabayo ayuu dembi
yahay hadii uu sharci-darro ku dhaafayo, arrintaasi waa
arrin aanu wasaarad ahaan ka hadlayno cawskani dembi ma
leeyahay mise ma laha, halkee laga soo qabtay, Hargeysaa
laga soo qabtay bay yidhaahdeen, kaalinta ina Af-Diinle
ayaa laga soo qabtay, waxaan qabaa inaanu dembi lahayn, in
la sii daayaa inay haboon tahay. Wax sharci ah oo aanu
ilaa hadda aanu hayno oo ama ganaaxaya ama in lagala
wareego ah ma arko. Reer miyigu waxay ku jiraan marxalad
adag, aduunyaduna maanta nin waliba wixii u lahaa buu
qaali gareeyay. Ma qabo in qiimaha loo gooyo xoolaha, in
cid gaar ah loo xidho, runtii waxay meel ka dhac ku tahay
reer guuraaga, waxay meel ka dhac ku tahay siyaasada
wasaaradda ee dhiiri-galinays nolosha dadka reer mi’yiga
ah. Dharraaro dhawayd, suuqa waxaa ka baxayay buuq badan
oo la leeyahay wasiirka xoolaha yidhi intaa, runtii anigu
maan maqlayn laakiin hadii ay jirto arrintaasi maaha arrin
ku wanaagsanayd inay af wasiir ka soo baxdo, mana aha
siyaasadda dawlada in reer mi’yiga la cuna-qabateeyo, in
xoolahooda lagu tunto, in xoolahooda la yidhaahdo tobanka
neef ee adhiga ah baa kuu goynay gadbad, sharciyana waa
meel ka dhac, waa demi. Waxaan leeyahay arrintaasna waa
inay jawaab ka bixiyaan rugta ganacsiga iyo wasaaradda
ganacsigu. Qiimaha iyo dhoofka xoolaha iyo siyaasadda
dhoofka xooluha, wasaaradda xooluhu xaq uma laha ee
wasaaradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga yaa iska leh.
Wasaaradda xoolaha waxaan u arkaa caafimaadkooda iyo
horumaritooda inay tahay.Gobolka Hargeysa oo Umblance duug
ah oo Sanaag laga keenay dib loogu soo celiyay