Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

Madaxweyne Rayaale oo Xalay la Kulmay Ganacsade Al-Jaabiri

"Qiimaha iyo Dhoofka Xoolaha Wasaaradda Xanaanada Xooluhu Xaq uma laha ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga ayaa iska leh"

Hargaysa (Dsn) Agaasimaha waaxda daaqa ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Axmed Diiriye ayaa ku eedeeyay labada wasaaraddood ee xanaanada xoolaha iyo deegaanku tallaabada ay cawska ku joojiyeen iyo dhoofka xoolaha ee loo xidhay ganacsade Al-Jaabiri oo ganacsatada khasaare laxaad leh ku keenay cashuurtii dalka iyo Xoolihii dalka, isaga oo cadeeyey in wasaaradda xanaanada xooluhu aanay shaqo ku lahayn dhoofinta Xoolaha balse ay qaabilsantahay caafimaadka iyo daryeelka Xoolaha.

Agaasimahu waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi gaar ah oo aanu la yeelanay, waxaanu sheegay dhibaatada ugu wayn ee dhalisay mushkilada cawska iyo kootarabaanintiisu inay tahay xoolaha loo xidhay Al jaabiri taas oo dhalisay ganacsigii xooluhu inuu meelo kala duwan ku tago kootarabaan ahaan, sidaasi darteedna ay ku luntay cashuurtii dalka usoo xeroon lahayd, waxaanu intaa ku daray digreetadii wasiirka deegaanku ku xayiray cawsku inay tahay mushkilad kale, waxaanu sheegay cawska iyo neefka inaanay marnaba kala maarmaynin, isaga oo soo jeediyay in dib loo eego tallaabooyinkan ay labada wasaaraddood ku tallaabsadeen oo uu ku tilmaamay inay tahay mid halis ku keeni karta degenaanshaha dalka.

agaasimaha oo aanu waydiinay Waxa jirtay mushkilad ka taagnayd daaqsintii yarayd ee dadka reer Miyiga u soo baxday in ganacsi ahaan loo isticmaalayo, dhawaana wasaaraddiinu waxay qabqabatay gaadiid cawskaasi u dhoofinayay Jabuuti, hawlahaasi ilaa hadda halkay marayaan?

waxa uu ku Jawaabay: "Arintaasi waa arrin imika na hor-taala oo imika saacadan aanu joogno arrin aanu u fadhinay bay ahayd, runtii waa la joojiyay, wasaaradduna qoraal bay soo saartay, amar wasiirku soo bixiyay baa jiray in la joojiyo, runtii sharciyan aanaan isku waafaqsanayn oo aanu ku kala duwanayn, sababtuna ay tahay hadii la joojinayo in istaraajiyad guud iyo qaabkii loo joojin lahaa laga wada-hadlo oo si cad meel loo dhigo, in la is waydiiyo sharciyan ma bannaan tahay cawskan Saylac tegaya oo ma la joojin karaa ama Lawya-cado tegaya, mise ma bannaana, sharcigu ma inoo ogol yahay mise inooma ogola, waa waxyaabaha taagan. Runtii sharciga imika aan anagu ku shaqayno ee 04/98, meel ay kaga taalaa ma jirto inaan Saylac caws la gayn Karin, inaan Lawyacado la gayn Karin meelna kagama taalo, in Berbera la geeyaa oo kaliyi meelna kagama taalo, laakiin caqliyan markaad eegto cawska baxaya iyadoo dalkeeniina aan aragno in abaaro inagu soo noqnoqdaan, way qurux badan tahay in wixii la kaantaroolo oo lagu fikiro bal xoolaheenii berito wixii ay ku baxsan lahaayeen. Markaa mushkiladaa waxaan odhan karaa sababtu waxa weeyi dhoofka xoolaha Jabuuti ha ku galo lug oo sharci- darro ha ku tago, ama badda ha ka wareego, caqabada na hor-taalaa ee meel aanu ka dhaafno la’nahay waxa weeyi dad xoolo gaynaya Jabuuti oo xoolihii ay ku cadilan yihiin Lawyacado, Saylac, Caasha-cado, Lug-haya iyo Ceel-gaal oo xoolihii daadsan yihiin, sabab caws loogu diidaa waxaad moodaa in aanay qurux badnayn. Cawskii wuxuu daba-socdaa xoolihii, markaa lama xalin karo ilaa dariiqa xoolaha ee Jabuuti mara wax laga bedelo oo siyaasada dawladu wax ka bedesho ama wasaaradda xooluhu. Waxaad moodaa in aan wax badan la bedeli Karin. Wasaaraddu way joojisay laakiin cawskii muu joogsanoo wuu socdaa, cashuurtiina halkaa way ku luntaa, cawskiina wuu socdaa isagoon xad lahayn cidina kaantaroolin oo isagoon Inniinyihii aan wali daadin oo qoyan ayaa cawskii la qaadaa oo la geeyaa Jabuuti. Waa laba mushkiladood, lacagtii oo kaa tagaysa, geedkii oo kaa dabar-go’aya. Labada mushkiladoodba way inagu wada dhacayaan. Markaa runtii arrintaasi waxaan filayaa inay arrin aad u qaldan tahay, loona baahan yahay in si qaran looga doodo. Cawskani awal ma jiri jirin, maxaa maanta Jabuuti geeyay, waa in la is waydiiyaa dariiqan xoolaha ee Jabuuti marayaa hadii uu sharci yahay, cawskuna waa sharci baan qabaa shakhsiyan. Waxaan aaminsanahay inta ay xooluhu Jabuuti tagayaan, ama lug ha ku tago ama markab, in cawskuna tegayo sababtoo ah, qaniimada maanta kaliya ee lagu faani karo ee aynu haysanaa waa xoolo, xoolihiibaa Jabuuti tegaya, markaa ma jirto wado loo yidhaahdo caws ma tegi karo, markaa anigu waxaan qabaa in si weyn loo gorfeeyo in xoolaha laga duwo Jabuuti ama xoolaha laga dhigo wax fasaxan oo qof walbaaba halka uu doono ka dhoofin karo, markaa waxa weeyi dadku dee Berberay ka dhoofinayaan laakiin mushkilada waxaan imika u aragnaa inay tahay dekeda Berbera ee loo xidhay labada nin oo kaliya waxay keentaa in xoolo-dhaqatadii oo dhan iyo ganacsatadii iyo ninkii reer mi’yiga ahaa ee laba neef watayba inuu halkaa ka wareejiyoo Lawya-cado geeyo. Runtii dhib badan wuu ku qabaa, anagu wasaarad ahaan ma odhan karno Lawya-cado ama Saylac lama geyn karo caws, Berberana waanu gaynaynaa. Kolay mas’uuliyiintii iga saraysaa joojisay wixii qiil ay u ahayaan iyagaa ka jawaabi doona laakiin anigu sharciyan ma qabo in la yidhaahdo Berbera uun baa caws la geyn karaa, Sayac lama gayn karo waa sharci darro, dawladuna waxay xaq u leedahay xudduudka markuu ka gudbayo ee Lawya-cado oo kale ka baxayo markaa lagu ganaaxo ama lagu xidhxidho oo tallaabo laga qaado laakiin inta dalka gudihiis wax marayaan oo xoolo baahan loo sido inay tacadi ku tahay in laga joojiyo.

Mar uu Agaasimuhu ka jawaabayay su,aal ku saabsanayd caws wasaaraddu hore u qabqabatay, cida qabqabatay iyo halka cawskii ku dambeeyay waxa uu yidhi " horta sharci baa wax fasaxa waxna joojiya, sharciguna wuxuu ku dhaqan-galaa sifo gaar ah oo la yaqaano, cawskan la soo qabqbtay cidda magaalada gudaheedana la sheegay in laga soo qabtay ilaa hadda ma cadayn karno inuu Berbera ku socday iyo inuu meel kale u socday. Cawsku magaalada Hargeysa gudaheeda markuu joogo dembi maaha, markuu xudduuda ka tallaabayo ayuu dembi yahay hadii uu sharci-darro ku dhaafayo, arrintaasi waa arrin aanu wasaarad ahaan ka hadlayno cawskani dembi ma leeyahay mise ma laha, halkee laga soo qabtay, Hargeysaa laga soo qabtay bay yidhaahdeen, kaalinta ina Af-Diinle ayaa laga soo qabtay, waxaan qabaa inaanu dembi lahayn, in la sii daayaa inay haboon tahay. Wax sharci ah oo aanu ilaa hadda aanu hayno oo ama ganaaxaya ama in lagala wareego ah ma arko. Reer miyigu waxay ku jiraan marxalad adag, aduunyaduna maanta nin waliba wixii u lahaa buu qaali gareeyay. Ma qabo in qiimaha loo gooyo xoolaha, in cid gaar ah loo xidho, runtii waxay meel ka dhac ku tahay reer guuraaga, waxay meel ka dhac ku tahay siyaasada wasaaradda ee dhiiri-galinays nolosha dadka reer mi’yiga ah. Dharraaro dhawayd, suuqa waxaa ka baxayay buuq badan oo la leeyahay wasiirka xoolaha yidhi intaa, runtii anigu maan maqlayn laakiin hadii ay jirto arrintaasi maaha arrin ku wanaagsanayd inay af wasiir ka soo baxdo, mana aha siyaasadda dawlada in reer mi’yiga la cuna-qabateeyo, in xoolahooda lagu tunto, in xoolahooda la yidhaahdo tobanka neef ee adhiga ah baa kuu goynay gadbad, sharciyana waa meel ka dhac, waa demi. Waxaan leeyahay arrintaasna waa inay jawaab ka bixiyaan rugta ganacsiga iyo wasaaradda ganacsigu. Qiimaha iyo dhoofka xoolaha iyo siyaasadda dhoofka xooluha, wasaaradda xooluhu xaq uma laha ee wasaaradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga yaa iska leh. Wasaaradda xoolaha waxaan u arkaa caafimaadkooda iyo horumaritooda inay tahay.Gobolka Hargeysa oo Umblance duug ah oo Sanaag laga keenay dib loogu soo celiyay

 


 
 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact