Kadib
kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa wakiilada midowga
afrika ayaa waxaa laga soo saaray Bayaan lagu cadeenayo
mowqifka ururka midowga africa ee ku aadan eedeenta loo soo
jeediyey madaxweynaha dalka Sudan Cumar Albashiir..
Bayaankaa ka soo baxay midowga africa waxaa
lagu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin eedeenta uu u
soo jeediyey xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda dambiyada
caalamka madaxweyne Albashiir taasi oo la sheegay in ay
wiiqayso qarranimada dalka sudan.
Sidoo akle bayaankaa waxaa lagu cadeeyey
in maxkamadda dalka Sudan ay tahay midda keliya ee awoodda u
leh in ay soo hor istaajiso cidii kulugu lehdambi kadhan ah
shcabka sudan.
Xubnaha ku jira midowga africa ee ka
kooban 53 dowladood ayaa kulankooda ee lagu qabtay xarunta
ururka ee magaalda Addis Ababa maalintii shaley aad ugu lafa
guray eedeenada loo soo jeediyey madaxweyne Alabshiir ee ku
aadan in dambiyo kadhan ah uu xuquuqda bani’aadamka kagalay
gobolka Darfurr sanadihii la soo dhaafay.
Bayaabnka ay soo saareen xubnaha ururka
waxaa si aad ah loogu xusay in golaha midowga afriica uu la
qeybsanayo Jumuhuuriyadda Sudan sii ay uga hortagi lahayd
waxkasta oo wax u dhimaya qaranimadeeda iyo degnaanshaha
dalkeeda , Sidoo kalana aan la aqbalayan mowqifka aan isku
dheelitirnayn oo aan meesha oolin uu soo saaray xeer
ilaaliyaha guud ee maxkamada dambiyada caalmka ninka lagu
magacaabo Loweis Moreno Okambo.
Bayaanka midowga afrika waxaa ugu
dambeyn looga codsaday golaha amaanka in uu joojiyo eedeenada
loo soo jeediyey madaxweyne Albashiir.