|
“Dahabshiil Dalkaa Lagu Aamini Karaa ”
‘Dahabshiil Ammaanbay Leedahaya
Laakiin Khalad Weynbay Gashay ,Oo ….”Muwaadiniin Reer
Boorama Ah
“Dahabshiil Ree Boorama Waxba Uma Keenin
Ee Isaaqbay U Keentay “Ganacsade Reer Boorama
Borama-(DSN)-Ganacsatada
magaalada Boorama ayaa dareen cadho leh ka muujiyey raashin
la sheegay inuu ka qiimo hooseeyo kan ay iibiyaan oo la
sheegay in shirkadda dahabshiil ay dhawaan dalka soo
gaadhsiisay ,si looga sababata baxo qiimo babarka saameeyey
maciishadda quutal daruuriga ,ayaa arrintaasi waxa an ku
farxin qaar ka tirsan ganacsatada Boorama isla markaana kor
usii qaaday qiimihii cuntada ay iibinayeen .
Qaybo ka mid ah
bakhaarada raahsinka lagu iibiyo ayaa labadii ama saddexdii
casho ee an soo dhaafnayna si teelteel ah u furayey ,iyagoo
sida la dareensanyahay sugaya inta raashinka Dahabshiil ka
baxayo suuqyada.
Qaar ka mid ah
dadweynaha oo isku dayey inay raashinkaasi quutal daruuriga ah
kasoo iibsadaan bakhaarada cuntada ,ayaa dib ugusoo laabtay
guryahoodii iyagoo fara madhan kaddib markii qiimihii ay ku
ogaayeen ganacsatadu kor usii qaadeen halkii ay ka filayeen
inuu hoos uga dego qiimaha haatan,waxayna aarkood sheegeen in
intii ay soo eegeyeen bakhaaro kale oo raashin jaban kunasoo
laabteen bakhaaradii ay ka tegeen ay ku warheleen raashinkii
oo daqiiqado gudahood kor loosii qaaday ,kuwa kalena ay
xidhnaayeenba .
Xubnin ka tirsan
ganacsatada raashinkaasi,kana cudurdaartay in la magacaabo oo
an wax ka weydiiyey waxay ay kor ugu qaadeen qiimaha raashinka
quutal dariuuruga ah wakhti dalka uu yimid raashin ka jaban ka
ay iibinayaan ayaa yidhi “annaga Dahabshiil nooma keenin wax
raashin ah ,ee wuxu usoo diray dhulka Isaaqa ,waxan haynaanan
waa raashinkii q ali uga aan kusoo iib sannay sidaa darteedna
adigaa noo sheegi meesha uu yaallo raashinka jabani”
Dhinaca kalena qaar ka
mid ah culimada diinta ee Boorama ayaa si ba’an u dhaliilay
sir babarka ganacsatadu ku iibinayaan raashinka ,iyagoo ku
tilmaamay inay tallaabooyinkaasi yihiin kuwa lagu
cunaqabataynayo dadweynaha danyarta u badan .
Sh.Xasan Daheeye ,kana
mid ah culimaaudiinka caanka ah ee reer Boorama ayaa
salaaddii jimcihii an soo dhaafnay khudbad uu jeediyey
masaajid ku yaalla Boorama ku weeraray waxa uu ugu yeedhay
“ganacsatada dhiigmiirata ah ee an naxariista lahayn ee ka
faaiideysanaysa dhibaatada shacbiga “.
Khudbadda sheekhaasi oo
ay ganacsatada magaalada qaarkood ka cadhoodeen,isla markaana
sheekha ka dalbaday inuu ka cudurdaarto, ayaa aakhirataankii
sababtay in Guddoomiyaha gobolka Awdal soo farogeliyo isla
markaana uu isu keeno culimada diinta iyo ganacsatada
dhibsatay khudbaddiisaasi .
Dhinaca kale markaad
eegto hadalada kasoo baxaya ganacsatada magaalada qaarkood
ayaa ah ah kuwa iska hor imanaya maadaama ganacsatada cuntada
quutal daruuriga ahi ay inta badan wakiillo u yihiin
shirakadaha ganacsiga ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeys ,sida
Oomaar ,ina baxsane ,indhadeero iyo kuwa kaleba ,hadalkoodan
qabyaaladda xambaarsanina yahay uun mid ay kaga baxsanayaan
eedda dadweynaha ,iyadoo ay habboonayd inay si kale u
muujiyaan dareenkooda ay ku diidayaan hoos u dhigidda qiimaha
cuntada .
Fikirka qaar ka mid ah
dadweynuhu ka muujiyeen Dahabshiil ayaa muujinaysa sida ay
aaminsanyihiin inay jiraan saaxiibbo ka dhcin kara cadaawadda
iyo sicir babarka ganacsatada ,sida uu yidhi Axmed C/Laahi
Faqle “Dahabshiil waxan qabaa in dalka Lagu aamini karo ‘
Dhinaca kale qaar ka mid
ah dadweynaha ayaa Dahabshiil kun dhaliilay siday u maamushay
raashinkii ay dalka keentay ,sida uu yidhi cabdi Xuseen
“dahabshiil Khalad waxay ku samaysay inay raashinkii ay
keentay gacanta u gelisay kuwii sicir babarka ku iibinayey oo
aanay bakhaarro u furin dadweynaha,laakiin koleyba ammaanbay
leedahay Dahabshiil”
LG Source
|