Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

SHIIKH SHARIIF: “Asmara ma joogaan xubno xil-ka-qaadis nagu sameyn kara, mana jiro qalad aan sameynay oo xilka nalooga qaadi karo”

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadis ay sheegeen in ay ku sameeyeen Xubnaha Isbaheyisga Dib u xoreynta ee fadhigoodu yahay Dalka Eritrea.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in xubnaha ku sugan Asmara aysan dhameyn kuwo xil ka qaadis ku sameyn kara, wuxuuna sheegay in uusanba  jirin qalad ay sameeyeen oo uu ku muteysan karo xil-ka-qaadis.

“Waxaa xil-ka-qaadis nagu sameyn kara seddex meelood labo meel xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, sida aan ognahayna xubnaha Asmara jooga intaas ma dhama”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan jirin sabab xilka looga qaado, “waxaa xilka nalooga qaadi karaa xil gudasho la’aan iyo in aan qaladaad sameyno, taasina ma aysan dhicin, kaliya waxa nagula heysto waa maxaad nabadda uga shaqeyneysaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagoo ku sugan dalka Jibouti u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

“Haddiiba cid qalad ku jirto waxaa qaladkaas galay Xubnaha Asmara oo ka hor-yimid mas’uuliyiintooda, sida shareecada Islaamka qabtana waa in loo hoggaansamaa mas’uuliyiinta”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan xubnaha Asmara xor u ahayn afkaartooda, isla markaana ay faragelin ku heyso Dowladda Eritrea oo uu sheegay in aysan rabin in ay Soomaaliya xasilooni hesho Ciidamada Itoobiyana ay ka baxaan, “Ciidamada Itoobiya haddii ay Soomaaliya ka baxaan taasi dhibaato ayay u arkeysaa Eritrea, sidaas darteedna ma ogolaaneyso in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii Ciidamada Itoobiya looga saari lahaa Soomaaliya, “Waxa loo wada halgamayay waxay ahayd in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya, marka waxaa is-weydiin leh maxaa ku jaban haddii Itoobiyaanka la saaro dalka iyadoo aan xabad la adeegsaneynin”ayuu yiri Shiikh Shariif.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay wada dhisteen Xubno ka socday Maxkamadaha Islaamka, Xubno la baxay Baarlamaanka xorta ah oo laga saaray Baarlamaanka Dowladda Federaalka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Soomaalida Dibadaha ku nool ayaa wuxuu haatan noqday mid labo u kala jabay oo weliba leh labo hoggaan oo iska soo horjeeda.

HOL Source



 

 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact